Dowlada Falastiin oo fariin hanjabaad ah u dirtay Trump

0
82

Arbaco RBB News:- Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa ku hanjabay in si rasmi ah dalkiisa uu u goyn doono xiriirka kala dhaxeeya Mareykanka.

Mr Cabaas ayaa sheegay in aqalka cad uu Jabiyay sharciga caalamiga ah ee Israel ka xanibay deegaameynta ay ka wado dhulka Falastiin oo Washington ay Taageertay.

Waxaan diyaar u nahay in xiriirka aan u jarno Mareykanka ayuu yiri madaxweynaha Falastiin oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Moscow ee caasimada Ruushka.

Dhanka kale dibadbaxyo waaweyn oo lagu gubay calanka Mareykanka ayaa ka dhacay daanta galbeed iyo magaalada Gaza.

Shacabka Falastiin ayaa sheegay in dhimasho ay diyaar u yihiin ayna aqbali doonin go,aanka Mareykanka ku taageeray dhul boobka Israel.