DHAGEYSO:- Somalida Mareykanka Oo muujiyay Dhibkii Uu Geystay Dabkii Xalay.

0
106

Khamiis RBB News:- Shan ruux oo ay Soomaali ka mid ahaayeen ayaa la xaqiijinayaa in ay ku dhinteen Dab ka kacay Daar ku taala magaalada Minneapolis gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Dab xooggan ayaa qabsadsay dhisme ka mid ah daaraha xaafada Cedar-Riverside ee magaaladda Minneapolis gobolka Minnesota.

Dabka ayaa ka kacay dabaqa 14-aad ee dhismaha iyadoo dhismahuna ka kooban yahay 25 dabaq, iyadoo xalay oo dhana baraf & qaboow badan uu magaaladda ka da’aayey.

Qaar Kamid Ah Somalida Kusugan Halkaasi Oo Isku soo baxay ayaa muujiyay dareenkooda ku aadan dhacdadan wax ayna sheegeen in ay aad ugu xunyihiin Falkan

Dhismaha uu dabka ka kacay ayaa waxaa ay sheegen in dadka badi ay u  geeriyoodeen Neefta oo ku xirantay sababo la xiriira qiiqa dabka oo aad u  badnaa, iyaga oo sharaxaad ka bixiyey sida uu dabka ku bilaawday.

Sidoo Kale Dadweynaha deggan ama ku nool dhismahan uu dabku qabsaday ayaa u baddan Soomaali waayeel ah iyo dad curyaamo ah , waxaana la soo badbaadiyey badi dadkii dhismaha daganaa

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA:-