Imisa Qof Ayaa Dunida kusugan Ayaa Lanool Cudurka HIV/AIDs.

0
126

Axad RBB News:- Ayado ay maanta ay ku beegantahay Xuska Maalinta HIV/IDS ayaa Waxaa labaahiyay in 38 milyan oo qof oo dunida daafaheeda ku sugan in ay lanoolyihiin Cudur, ayaa la nool cudurka HIV, iyadoo maanta caalamka laga xusayo maalinta caalamiga ah ee AID-ska oo ku beegan kowda December.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan AIDska ee la yiraahdo UN-IADs, ayaa sheegtay sanadkii hore in cudurku ¹1111qhoos u dhacay.

Sanadkii hore waxaa cudurkaan uu sameeyay 1.7 milyan oo qof, waxaana u geeriyooday todobo boqol iyo todobaatan kun.

QM waxay sheegtay in ay ka go’an tahay in la soo afjaro cudurkaan sannadka 2030, iyadoo loo marayo kor u qaadista helitaanka adeegyada caafimaadka, la dagaallanka dhaleeceynta & hubinta in dadku helaan xuquuqdooda.

Golaha guud ee Qaramada Midoobay wuxuu ugu baaqay wadamada adduunka in ay hubiyaan in ugu yaraan 90% dadka la nool Aids ay helaan adeegyo ka hortag oo dhameystiran sanadka soo socda.

Maalinta Aids-ka Adduunka waxay la bilaabay xuskeeda 31 sano ka hor oo ku beegan maanta oo kale.

Xuska maalintaan ayaa waxay ka tarjumaysaa dadaallada loogu talagalay in lagula dagaallamo HIV / Aids iyo in taageero loo muujiyo dadka la nool cudurka.

Sidoo kale waa maalin ay dunidu ku xasuusato dadkii u dhintey cudurada la xiriira HIV / Aids.