Madaxweyne Shariif Iyo Safiirka Mareykanka Oo Kawada Hadlay Doorashada.

0
161

Axad RBB News:- Madaxweynihii Hore ee Somaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa safaarada Mareykanka Ee Muqdisho kula kulamay Safiirka Dowlada Mareykanka Ee somaliya Donald Yamamoto.

Labda Masuul aya kawada Hadlay Arimo ay kamid yihiin Doorashada Somaliya ee sanadka soo socdo.
Madaxweyne Shariif ayaa Bartiisa Facebooka Kusoo Qoray “Waxaan xarunta safaaradda Maraykanka ee Muqdisho kula kulannay Danjire Donald Yamamoto oo aan ka wada hadalnay xaaladda guud ee dalka iyo aragtida madasha xisbiyada qaran ee geediga 2020/2021

SWaxaan uga mahad celinnay taageerada ay siiyaan Soomaaliya, iyada oo aan aakhirkiina isku waafaqnay ahmiyada ay leedahay qabsoomidda doorasho hufan oo ay ka heshiiyaan saamileyda siyaasadda sida Dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo xisbiyada siyaasadda.

Waxaan kaloo la wadaagnay in marna aanan raali ka ahayn dib u dhac iyo waqti kordhin loo sameeyo dowladda oo ay waajib tahay in doorasho la aado”