Waabari Iyo Shangaani Oo Mamul Cusub loo magacaabay.

0
92

Isniin RBB News:- Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa wareegto kasoo baxday xafiiskiisa waxa uu Guddoomiyeyaal Cusub u Magacaabay degmooyinka Waaberi iyo Shangaani.

Wareegtadan ayaa Aweys Sheekh Maxamed Amiin waxaa loogu magacaabay Gudoomiyaha degmada Shangaani halka Cabdul Casiis Cismaan Jaamac loo magacaabay Guddoomiyaha degmada Waaberi.

Sidoo kale Gudoomiye Cumar Filish ayaa Guddoomiye ku-xigeenka dhanka arimaha bulshada ee degmada Wadajir ee Gobolka u magacaabay Axmed Maxamud Diiriye.

Sahro Markeezi iyo Mahad Cilmi oo ahaa Guddoomiyeyaashii hore ee labadan degmo ee kala ah Waaberi iyo Shangaani ayaa 24-kii Bishii july ee sanadkaan waxay kamid ahaayeen masuuliyiintii ku geeriyootay qaraxii ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Muqdisho.

Geesta kale gudoomiyaasha gobolka banaadir ayaa wajahaya culeysyo ku aadan Sugidda amniga degmooyinka ay madaxda ka yihiin taas oo keentay in gudoomiyaha Gobolka banaadir Cumar filish dhamaadkii bishii hore ku dhawaaqo in Gudoomiyihii degmada uu madaxda ka yahay qof lagu dilo xilka laga qaadi doono.

Taas uu ku tilmaamay in ay qeyb ka tahay qorshaha sugidda Amniga Muqdisho.