Kulanka Labada Aqal Oo Maamul Xumo Ubaaqday.

0
82

Isniin RBB News:- Maanta oo Isniin ah waxaa lagu madalsanaa in uu dhaco kulankii Aqalka Sare ee  Baarlamaanka Soomaaliya oo la filayay in Su’aalo ku saabsan qodobada sharciga Canshuuraha Furdooyinka ay weydiiyaan Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan ducaale beyle.

Xildhibaanada Aqalka sare ayaa akrinta labaad waxay marsiiyeen sharcigan.

Sababta baaqashada kulankan ayaa lau micneeyay in Wasiirka Maaliyadda uu hortagayo xildhibaanada golaha shacabka kuwaaas oo Akrinta Saddexaad marsiinaya sharciga xisaab xirka miisaaniyadda qaranka ee 2019.

Xildhibaanada labada aqal ayaa inta ugu badan waxay kulamadooda yihiin kuwa dhaca waqtiyo isku mida taas oo keenta in lakala maareyn waayo jadwalada labada gole ee baarlmaanka Soomaaliya.