Wafdi Xal Raadin Ah Oo Kuwajahan Dhuusomareeb.

0
102

Isniin RBB News:- Caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb waxaa la fialayaa in saacadaha nasoo aadan ay soo gaaraan qaar kamida  Odayaasha saxiixayaasha Maamulka Galmudug.

Odoyaashan ayaa ka kala imaanaya Deegaanada hoosyimaada Dowlad goboleedka Galmudug iyo qaar kamida odoyaasha oo ka imaanaya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

30 bishii dhamaatay ee novemner ayuu qorshuhu ahaa in la xareeyo Odoyaashan kuwaas oo ka qeyb qaadana soo xulista xidhibaanada Maamulka Galmudug.

Amniga Magaalada dhuusamareeb ayaa maanta si weyn loo adkeeyay iyadoo halka odoyaasha lagu xareeyn doono ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Odayaasha ka imaan doona degmooyinka Gobolka Mudug ayaa lasoo warinayaa in safar dhulka ah Magaalada dhuusamareeb ku imaan doonaan.

Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in Magaalada dhuusamareeb ay ku soo wajan yihiin Wasiiro katirsan dowlada federaalka ah ee soomaaliya kuwaas oo ka qeyb qaadan doona tabashooyinka Ahulusuna ay qabaan ee ku aadan hanaanka dowladdu ay u wajaheyso Doorashada Galmudug.

Muddo todobaad ah ayaa la hakiyey howlihii doorashada Galmudug sababo ku aadan xalinta khilaafka dowladda dhexe iyo ahlusuna oo weli ka taagan Galmudug.

Dad ku sugan deegaanada galmudug ayaa si weyn u hadal haaya qaabka ay u socoto qaban qabada dhismaha Maamulka Galmudug iyagoo qaarkood ku baaqaya in dowladda federaalka ah ay xal u hesho tabashooyinka ahulusna Ay qabaan.