Duufaano Soomaaliya kaga soo wajahan Xeebaha Badweynta Hindiya

0
62

Talaado, RBB News – Sida ay baahisay ACCU WEATHER Hay’adaha Caalamiga ah ee la socda dhanka saadaasha Hawada ayaa sheegtay in Soomaaliya Duufaanno xoog leh ay ku soo wajahanyihiin.

Hay’adda ayaa xusay in Duufaanada Soomaaliya kaga imaan doonaan Jihada dhanka Badweynta Hindiya.

Dhulalka Xeebaha ee ku teedsan Badweynta Hindiya ayaa la tilmaamay in todobaadyada nasoo aadan duufaano iyo roobab awood leh ka di’doonaan sida khubarada hay’adan xuseen.

Khubarada ayaa Sidoo kale hadal qaaday in ay macquul tahay in jihada Waqooyiga ee Dalka ilaa Bariga Dalka ay ka da’aan roob dabeylo wata oo xoog leh.

Hay’adaha Caalamiga ah ee la socda dhanka saadaasha Hawada ayaa sheegtay in xeebaha putland uu roob xoog bdn ka di’doono 5 – 6 bishan waa sida ay ay sheegtay, dadkana ayaana loogu baaqay in ay feejignaan muujiyaan.

Magaca Duufaantan ayaa lagu sheegay Pawan, iyadoo la xusay dalal ku yaala qaaradda afrika ka bilaaban doonto si gaar ah waxaa la xusay Dalka Madagascar, kaddibna waxaa la sheegay in Xeebaha Koofureed ilaa bariga Soomaaliya ay ku wajan tahay dufaantu.

Dalalka Seychelles,Madagascar,Sri Lanka  iyo Gobolka Kerala ee dalka Hindya oo dhamaan ku teedsan Badweynta Hindiyaa la sheegay in todobaadkan iyo kan nasoo aadan duufaanta saameyn ku yeelan karto.

Degaanno hoosyimaada Gobolka Mudug gaar ahaan Ceel huur iyo Cashuura ayaa laga baqdin qabaa in Roobka dhul go’ sababi kara ka da’aan kuwaas oo waxyeelo u geysan kara dadka halkaas ku nool.

Deegaano dhowr ah oo dhaca koonfurta waxaa mudooyinkii dambe ka da’ayay roob xoog badan kuwaas oo sameyn taban ku yeeshay dadka ku nool deegaanada roobabku ay ka curteen.