( Akhriso ) Gabar markii ay maqashay geerida Jacaylkeedii ka tagtay waxbarashadii Jaamacadda

0
71

Talaado, RBB News – Tiba oo ah ardayad waxa ka barata jaamacad ku taala caasimadda baqdaad ee dalka ciraaq waxay sheegtay inay go’aansatay inay aysan sii wadin waxbarashada jaamacadda wixii ka dambeeyay markii ay ogaatay in saaxiibkeed Amer la dilay intii ay socdeen isku dhacyada ciidamada amniga Ciraaq.

Labadan lamaane ayaa bishii Oktoobar ku kulmay fagaaraha Tahrir, oo ah goobta ugu weyn ee mudaaharaadka ka dhanka ah dawladda oo socdey muddo laba bilood ah.

Amer wuxuu u sheegay in uu mudaharaad ku sameynayo magaca walaalkiis, oo ku dhintey isku dhac ay la galeen ciidamada amniga.

Maalmo ka dib, Tiba waxay heshay warar sheegaya in saaxiibkeed cusub uu ku biirey liiska m sii kordhaya ee dadka reer Ciraaq ee muddadii mudaaharaadka socday.

“Markii aan arkay sawirkiisa dadkii ku shahiiday, waan ogahay inay tahay inaan wax u qabto dalkayga,” ayuu yidhi Tiba, oo ah 23-jir injineer ah oo dhigta Jaamacadda Baqdaad.

Waxa ugu fiican ee aan samayn karaa waxay ahayd shaqo joojinta, ayay raacisay.

mudaharaadayaashu waxay dibad baxyo ka dhigeen waddooyinka caasimadda Baqdaad iyo magaalooyin ku yaal inta badan koonfurta Shia si ay u dalbadaan shaqooyin, adeegyo aasaasi ah iyo in la joojiyo musuqmaasuqa.

In ka badan 400 oo qof ayaa ku dhintay kumanaan kalena waa ku dhaawacmeen iskahorimaadyada lala galay ciidamada amniga dalka ciraaq.