Wararkii ugu dambeeyay weeraro dhanka cirka ah oo ka dhacay Liibiya

0
70

Talaado, RBB News – Weeraro dhanka cirka ah oo xalay ka dhacay xaafado ka mid ah caasimada Liibiya ayaa waxaa ku dhintey ugu yaraan shan qof rayid ah 10 kalena ay ku dhaawacmeen, wasaarada caafimaadka ee midowga dowlada ayaa sheegtay maanta.

Af-hayeenka Amiin al-Hashemi ayaa yidhi “Weeraro dhinaca cirka ah oo ka dhacay deegaanka al-Swani waxaa ku dhintay shan qof oo rayid ah 10 kalena way ku dhaawacmeen.

Hashemi ayaa wariyay dhaawac bdn in ay jiraan ka dib weeraradii al-Swani, oo qiyaastii 25 kiiloomitir (15 mayl) jihada koonfureed kaga toosan Magaalada Tripoli.

Tripoli waxay marti u noqotay bilooyin dagaallo tan iyo markii xoogagga uu hogaamiyo Khalifa Haftar ay billaabeen duullaan qasaaro badan geystay.

Ciidamada GNA ayaa sheegay in “Emirati drones” oo ay taageerayaan Haftar ay fuliyeen weeraradaasi, iyaga oo sheegay in qof dumar ah iyo cunug ay ka mid ahaayeen dadka dhintay.

Af hayeenka Mohammad Gnounou wuxuu sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Imaaraatka ay sidoo kale labo weerar ka fuliyeen buundada galbeed ee Tripoli.

Imaaraadka Carabtu wuxuu ku taageeray Haftar ololihiisa ka dhanka ah kooxaha taabacsan GNA, oo ciidamada Haftar ay ku tilmaameen “argagixiso”.

Ciidamada Haftar ayaa duqeymo cirka ah ka fuliya koonfur-galbeed Libya

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa isniintii dib u cusbooneysiiyay baaqiisii ​​ahaa xabad joojin ka dhaqan gasha Liibiya