Khilaaf Xoogan ayaa wali kataagan Soo xulista Xildhibanada Galmudug

0
74

Talaado RBB News:- Waxaa Wali muran xoogan uu kataaganyahay Doorshada Madaxweynaha Galmudug iyo Dhismaha Maamul loodhanyahay

Magaalada Dhuusamareeb oo Caasimad u ah Galmudug laga dareemayaa diyaar garoowga ku aadan Qabsoomida Doorashada iyo howlaha soo xulista xubnaha Cusub ee Baarlamaanka Galmudug.

Shalay oo Isniin ahayd ayaa laxareeyay qaar kamid ah Odayaasha Odayaasha Sooxuli lahaa Baarlamaanka Cusub ee Galmudug.

Gidiga Farsamada Maamul Usameynta Galmudug ayaa sheegay in shalay ay xareeyeen odayaashii ugu badan balse ay harsanyihiin Qaar kale ayna wadaan in ay dhameystiraan Odayasha si ay ubilaabato soo xulista Xildhibaanada.

Wararka qaar ee heshay Idaacada Banadir ayaa sheegaya in uu jiro khilaaf Beelaha qaar ayna ku muransanuihiin Odayga kumatalaya Sooxulista Xildhibaanada.

Gudiga ayaa Beellaha muransan kuwargaliyay in xal deg deg ah ay gaaraan oo isku waafaqaan cida u mataleysa Soo xulista Baarlamanka.

Sidoo kale waxaa Magaalada Dhaxdeeda kajiro kulamo ay Odayaasha iyo mas’uuliyiinta Dowlada ay laqaadanayaan Hogaanka Ahlusunah Wajameeca si ay ugu qanciyaan Kaqeyb qaadashada Doorasha Galmudug.

Xukuumada Somaliya ayaa Waqti iyo Lacag kubixisay sidiu ay uheli lahayd Doorasho kadhaco Galmudug uuna kuso baxo Madaxeyne ay kuqanacsantahy Dowlada Dhexe balse arintaasi ayaa dhalisay in indhaha Lagu wada haayo Waxa Kadhacaya Magaalada Dhuusomareeb Ee Xarunta Galmudug.