Sarkaal Katiran Alshabaab Oo 5 Milyan Oo Dollar Laduldhigay

0
89

Talaado RBB News:- Jehad Serwan Mostafa waa nin Udhashay Mareykanka waxa uu kabar bar dagaalamaa Xarakada Alsbabaab Ee Bariga Africa Kadhisan.

Mareykanka Ayaa balan qaaday in la abaal marin doono cidii soo sheegta halka uu kusuganyahay Ninkan Waxaana lasiinayaa ciddii soo sheegta xog sababi karta in la xiro Jehad Serwan Mostafa oo u dhashay Dalka Mareykanka lacag gaareysa 5 Milyan Oo Dollar.

Wasaaradda Arrimaha dibadda, iyo FBI-da Mareykanka ayaa ka dalbaday dadka hela xogta Jehad Serwan Mostafa in ay la xiriiraan Qunsuliyadda Mareykanka ama Xafiiska FBI-da Mareykanka ee ugu dhow si ay u gudbiyaan xogtiisa

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in uu yahay Ninkan qofka ugu sareyo Ee
udhashay Mareykanka ee kujiro Urur Weynaha Al-Qaacidda gaar ahaanna Al-shabaab.

FPI-da Marwykanka ayaa Sidoo kale sheegtay in Jehad Serwan Mostafa uu xilal kala duwan uu kasoo qabtay Alshabaab dhaxdooda isagoo noqday Madaxa Ugu sareeyo qeybta Qaraxyada ee Alshabaab waxa uu sidoo kale noqday nin maamula Ajaanibta Al-shabaab, madaxa warbaahinta ee AL-shabaab iyo tababare sare oo ka tirsan AL-shabaab.

Ninkan Ayaa AL-shabaab ku biiray sanadkii 2006dii waxa uuna kaqeyb qaatay dagaallo dhex maray ciidamadii Itoobiya ee kusugnaa Soomaaliya iyo Alshabaab Sida ay sheegtay Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee FBI-da.

Isha:abcnews.go.com