Dad ku dhintay qarax lala beegsaday Misaajid ku yaalla Nigeria

0
79

Booliiska dalka Nigeria ayaa sheegay in ugu yaraan 24 qof ay ku dhinteen ka dib markii qarax lala beegsadey masaajid ku yaalla waqooyi bari dalkaasi gaar ahaan gobolka Adamawa.

Weerarkani ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay tira kale oo badan ka dib markii laba qof oo isa soo miidaamiyay ay isku qarxiyeen dad isu diyaarinayay salaad magaalada Mubi.

Qofkii ugu horeeyay ee weerarka fuliyay ayaa gudaha masaajidka isku qarxiyey halka midka labaad dibadda uu isku qarxiyey kadib markii dadka ay isaga carareen dhismaha masjidka.

Weerar kan la mid ah ayaa Bishii November ee sanadkii tegay lala beegsaday masaajid ku yaalla magaaladan oo ay ku dhinteen in ka badan 50 qof .

Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, balse mintidiinta Boko xaram ayaa deegannadaasi ka howlgala.

Dowladdana waxay sheegaysa inay guulo muhiim ah ka gaartay dagaalka ka dhan ah Boko xaraam ee ay ka wado waqooyi bari,balse weli waxay u muuqata in maleshiyaadkan ay awood u leeyihiin inay weeraro culus qaadan.

Nigeria ayaa la daalaadheceysay dhibaatooyin amni darro gaar ahaan weerarada ay fuliyaan kooxaha mintidiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here