Afar arrimood oo ay wadaagaan Buhari iyo Trump

0
28

Madaxweynaha Nigeria Muhamadu Buhari iyo dhigiisa dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ku kulmay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka, haddaba laanta afka Igboga ee BBC ayaa eegaysa afar arrimood oo labadan nin ay wadaagaan.

Waxay labadooduba xilka qabteen iyaga oo da’da toddobaatameeyada ku jira

Buhar ayaa ahaa 73 jir markii uu xilka qabtay sannadkii 2015kii Trump-na wuxuu ahaa 70 jir markii uu xilka la wareegay sannadkii hore.

Doorashadooda ayaa lala yaabay

Buhari ayaa noqday qofkii u horreeyay ee isaga oo hogaamiye mucaarad ah doorasho ku guulaysta – horayna Nigeria uma soo marin in madaxweyne xilka haya doorasho lagaga guulaysto.

Maraykankana Hillary Clinton ayaa la saadaalinayay in ay ku guulaysan doonto doorashadii 2016kii, Lakiin bilyan dheeraha Maraykanka ah iyo murashaxii xisbiga Jamhuuriga ayaa ku guulaystay ka dib markii gobollo dimuqraadiga dooran jiray ay dhankiisa u janjeersadeen.

Saxaafadda iskuma fiicna

Madaxweyne Trump ayaan qarsanin sida uusan ixtiraamka ugu haynin saxafiyiinta iyo guud ahaan saxaafadda.

Buhari oo xukun milatari ah soo qabtayna sidaas oo kale ayuu saxaafadda dareen uga qabaa marka uu safar dibadda ah u baxo sidan oo kalana war qoraal ah oo qorshihiisa ku saabsan ayuu soo saaraa inta badan isaga oo isku dayaya in uu ka xidaaraysto waraysiyo ay saxaafadda guduhu la yeeshaan.

Waxaa lagu yaqaannaa hadallo ay iska dhahaan

Trump ayaa lagu eedeeyay in uu hadal gaf ah ku yiri dalalka Afrikaanka ah – inkastoo uu sheegay in uusan cunsuri ahayn.

Buhari ayay sidaas oo kale wajigabax la kulmay markii isaga oo xaaskiisa u jawaabaya uu sheegay in ay hawsheedu tahay jikada gurigiisa, sannadkan horraantiisiina dadka Nigeri ayuu ka caraysiiyay markii uu sheegay in dhallinyarada dalkiisu aysan firfircoonayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here