Sugida Nabadgelyada yaan loo fasiran in Shacabka Jidadka laga xirto (MAQAAL)

0
136

Waxaa soo baxaayay muddooyinkaan dambe dhib iyo ku talagal loo adeegsanaayo habka sugidda ama dhowritaanka nabadgelyada. Laga bilaabo ilaa iyo intii kooxda Feb. 8, ay xukumka la wareegeen, waxaa si rasmi ah loo xiranaayay jidadka waawayn iyo dariiqyada soo gala xaafadaha degmooyinka Muqdisho. Arrintaan waxay u keentay shacabka Muqdisho ku nool dhib iyo kadeed aan horey loo arkin intii muddo ah.

Sugidda nabadgelyada ma ahan in jidadka la xirto ee waa in ay jirtaa aqoon, waayo-aragnimo, iyo wadiiqooyin loo maro habka sugidda nabadgelyada. Dowladdu waa in ay adeegsataa waaya-aragnimada dadka u leh sugidda iyo khibradda nabadgelyada ee ma ahan in la yiraah dhallinyaro yar-yar ee dhashay dagaalkii sokeeye ka bacdi, kana fara maran wax kasta ee aqoon ciidan iyo mid mukhaabaraad, in loo xilsaaro sugida nabadgelyada casimada iyo dalkaba.

Arrintaan loo adeegsanaayo in dhallinyaro yar-yar ay sugaan nabadgelyada, waa wax u horseedaya dalka bur-bur iyo amaan darro sii badata. Dhallinyaradaan xilka loo dhiibayo iyaga ayaa u baahan in wax la baro, waana mid haddii ay sii socoto dalka ku sii saa’idynaysa nabadgelyo xumo iyo in wax kasta isku-dhex yaacaan.

Dhallinyaraadaan si musuq iyo wax la mid ah lagu magacaabay, sida aan ka warqabno ma leh wax haba-yaraatee ah aqoon, fikradna kama haystaan hababka xuuraanka iyo mukhaabaraadka (intelligence services) iyo ficilada la isticmaalo ee hagidda mukhaabaraadka laguna magacaabo ficilada qarsoon iyo midka aan qarsoonayn (covert and overt actions).

Dhibka shacabka Soomaaliyeed haysta waxaa ka mid ah in mas’uul la iska magacaabayo, laguna taxo darajooyin aan Jeneraal ka yarayn, isagoo aan fikrad ka haysan waxa uu u adeegaayo, fikradna aan ka haysan in waxa loo adeegaayo ay tahay shacabka, una haysta in madaxda keliya loo shaqeeyo.

Jeneraaladaas waa dad aan garan macnaha dowladnimada,
ma fahmsana in shacabka loo shaqeeyo, iyagana canshuurta iyo wax kasta ee xukuumadda soo gala bixiyaan. Waa dad ka fara maran wax kasta ee aqoon ah, una haysta in shacabku yahay sida xoolaha suuqa jooga oo kale.

Waxaan jeclahay in aan idinla qaybsado arrin igu noqotay fajac heerka aan ka marayno xagga aqoon iyo dowladnimo. “Jidka waxaa mari kara dadka dowladda keliya”,

Haddii jidadkii ay xirteen, shacabkiina loo diiday in ay wax soo iibsadan, dambiga dowladdu ma leh, waxaa iska leh shacabka dulmigaas iyo bahdilkaas u dulqaadanaaya, dareenna aan lahayn, laguna suubinaayo wax kasta ee bahdil ah.

Wax yar haddii aan idinka waramo, dadka wax laga sugaayo iyo macaamilkooda, waxaan kula kulmay Jeneraalo ka tirsan booliska iyo nabadsugidda, waxaana kula kulmay Jidka Maka Almukarama ee aan rabay in aan u gooyo dhinaca Hoteelka aan deganaa, wuxuu i waydiiyay ”ID Card” dowladeed ma wadataa?, Maya Shacab ayaan ahay Taliye, hadaba iga laabo halkaan qof aan ID Dowladeed wadan ma mari karo,

Fadlan, ogaada meeshu mahan xafiis dowladeed, xero ciidan iyo bar koontarool ee magaalada lagasoo galo intaba, ee waa bartamaha jidka Maka Mukarama. Waxaan ku iri fadlan Hoteelka aan diganahay waa 10 mitir aan gooyo jidka si aan u galo Hoteelka. wuxuu igu yiri haddii aad ”ID” shaqaale dowladeed wadatid waa mari karta 10kaan mitir, laakiin shacab maya, waa amarka nala siiyay ee ilaa iyo heer wasiir ka soo baxay. Waxaan waydiiyay shacabku xaq ma laha miyaa ay jidadka ku gooyaan? Jawaabtiisu waxay ahayd shacabku xaq ma leh. .

Waaba yaabe, haddii ayagii waddooyinkii xirteen oo ay kaligood ay rabaan in ay maraan shacabka yaa u maqan?

Ma waysan ahayn shacabku kuwii loo shaqeynaayay ee dowladna lagu yahay?.

Waa yaabe, magaalada kama shaqeyo miyaa dad aan ahayn shaqaale dowladeed?,

Maxaa diidaya in la fasaxo qofka shacabka ah inta la baaro?,

Maxey tahay dambiga intaas la eg ee ay galeen shacabka reer Muqdisho ee saan loogu ciqaabayo?.

Aaway ballan qaadkii ay ummadda ugu dhaarteen in jid dambe aysan xireen markii ay doorashada ku jireen?

Ugu dambayn, waxaa filaa in haddii sidaan ay ku sii socoto in xaalku faraha ka baxaayo, waayo dadka ee la caburiyo loona diido xaqii iyo xuquuqdii aasaasiga ee ay lahaayeen (civil liberties) waxay abuuraysaa nabadgelyo xumo iyo nabadgelyada ee faraha ka baxa haddii aan cagliga iyo cilmigu shaqayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here