Warbixin :- Jahwareerka Siyaasadeed ee ka jira Galmudug

0
354

Sabti, RBB News – Waa jahawareer siyaasadeed iyo xaalad kale oo mar kale kasoo cusboonaaneysa Magaalada dhuusamareeb oo ah xarunta maamulka Galmudug, maadaama Axmed ducaale geelle xaaf madaxweynihii hore ee maamulkaas uu ku dhawaaqay gudi doorasho oo hor leh iyadoo horay uu u jiray gudi ay magacaawday wasaaradda Arimaha gudaha iyo dibu hishiinta Soomaaliya.

Gudigan uu magacaabay Madaxweyne xaaf ayaa waxay sheegeen in ay ku dhawaaqi doonaan tirada xildhibaanada Maamulka Galmudug ee dooran doona gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, ku xigeenadiisa iyo madaxweynaha Maamulkaasi.

Beelaha qaar ee kasoo jeeda deegaanada Galmudug, wararka soo baxaya waxay sheegayaan in ay qabaan tabashooyin ku aadan hanaanka Ahlusuna iyo dowladda dhexe wax u wadaan iyagoo sheegaya in ay labada dhinaca ee ahlusuna iyo dowladda federaalka kaliya kala qeyb sadeen xildhibaanada Galmudug.

Dhinaca kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in saacadaha soo socda gudiga maamul u sameeynta Galmudug ee ay wasaaradda Arimaha Gudaha magacaawday ay ku dhawaaqi doonaan tirada 89 xildhibaan ee kamid noqonaya xildhibaanada cusub ee Dowlad goboleedka Galmudug, maadaama shalay gudiga maamul u dhisidda Galmudug ay aqbaleen 20-kii xubnood ee Ahlusuna soo xusheen iyadoo Odayaasha Saxiixayaasha Galmudug ay sidoo kale soo gudbiyeen 69-ka xildhibaanka taas 89-xildhibaan ka dhigeysa Wadarta guud ahaan.

Xasan Cali kheyre raisulwasaaraha Soomaaliya ayaa ku sugan dhuusamareeb iyadoo sida muuqata xal loo helay tabashooyinkii ahlusuna ay qabeen maadaama raisulwasaare kheyre iyo hogaamiyaha Ahlusuna macalin maxamuud kuwada kulmeen dhuusamareeb.

Laakiin wali waxaa jira tabashooyin ay qabaan Beelaha kasoo jeeda deegaanada galmudug iyagoo qaadacsan hanaanka waqtigan ay wax u socdaan.

Geeata kale, Dib usoo labashada axmed ducaale geelle xaaf iyo ku dhawaaqistiisa gudiga doorashooyinka galmudug waa xaalad sii murjineysa suurta galnimada in la helo galmudug loo dhan yahay dhinacyyaduna ay kuwa qanacsan yihiin.

Dad badan ayaa aaminsan sida xaaladu ay thy waqtigan hadii ay wax kusii socdaan ay noqon doonto xaaladii sanadkii hore ka dhacday Magaalada kismaayo ee Maamul jubbaland oo mar kale la doortay Axmed Maxmed Islaam inkastoo Dowladda Federaalka iyo Beesha caalamkuba ay qaadaceen doorashadii ka dhacday kismaayo.

Jubbaland ayaa leh waqtigan dhowr madaxweyne inkastoo maamulka guud gacanta uu ugu jiro Madaxweyne Axmed Madoobe halka kuwa kale Afka ay ka sheegtaan uun kaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Xaaladda Galmudug weli waa ay cakiran tahay, lamana hor dhici karo sidii uu xaal noqon doono.