Mareykanka Oo Beeniyay In Ay Kabaxayaan Ciraaq

0
115

Talaado, RBB News:- Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper ayaa beeniyay in milatariga Mareykanka ay ku dhawaaqeen isu diyaarin “ka bixitaan Ciraaq”, ka dib markii baarlamaanka wadanka Iraaq ay u codeeyeen in laga saaro ciidamada shisheeyaha gudaha Dalkaasi.

Sarreeye Guud William Seely, oo maamusha Hawsha Ciidamada Mareykanka ee Ciraaq, ayaa warqad u diray madaxa howlgalka wadajirka ah ee Ciraaq shalay oo Isniin ahayd, wax ka yar usbuuc ka dib markii Mareykanka uu dilay Jeneraal Qassem Soleimani oo ahaa taliye Iran kasoo jeeda.

Amarka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ku aaddan weerarkii argagixiso ee lagu qaaday gegada diyaaradaha ee Baqdaad ayaa sidoo kale waji gabax kala kulmay gudaha Dalkiisa, gaar ahaan xisbiyada Dimuqraadiga.

Trump wuxuu ku andacooday in dilku ujeedkiisu ahaa “kahortag dagaal” laakiin sirdoonka sababay go’aankaas si weyn ayaa wax looga weydiiyay.