FAAH FAAHIN:- Dibadbaxyada looga soo horjeedo Dowladda Guinea

0
139

Talaado, RBB News:- Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka Guinea kadib banaanbax cusub oo lagaga soo horjeedo dowladda, waxaana banaanbaxyada qaar ay ahaayeen kuwa Rabshado wato oo ay kadhasheen Dhaawacyo soo gaaraay dad banaanbaxyada qeybta ka ahaa.

ugu yaraan 12 qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay inta ay socdaan banaanbaxyadaasi.

Dalka kuyaal Galbeedka Afrika waxaa ka dhacayay banaanbaxyo rabshado wata ilaa bartamihii bishii Oktoobar waxaana ay  laxariiraan welwelka laga qabo madaxweynaha Dalkaasi Alpha Conde oo qorsheynaya inuu xafiiska sii joogo mar saddexaad.

Isniinta, kumanaan kun ayaa socod ku maray xaafadaha caasimada, Conakry, waxa ayna usii gudbeen bartamaha magaalada.

Iyaga oo xidhan midabka casaanka ah ee mucaaradka, mudaaharaadayaashu waxay wateen calanka dalkaasi iyagoo kudhawaaqayay: “Maya dastuurka cusub” iyo “Maya mar saddexaad oo soo laabto  Alpha Conde”.

Madaxweyne Conde ayaa ku dhawaaqay dastuur cusub isagoo qabyo ah bishii hore waxaana dadkan ay ka cabsi qabaan inuu u adeegsan doono mar saddexaad.

Waxaa mudaaharaadyada shalay dhacay qeybta ka ahaa Dadka waaweyn oo mucaaradka ah, oo ay ku jiraan ra’iisul wasaarihii hore Cellou Dalein Diallo iyo Sidya Toure.

Abdourahmane Sanoh, iskuduwaha Jabhadda Qaranka ee Difaaca Dastuurka (FNDC), oo ah isbahaysiga kooxaha mucaaradka ee ka danbeeya mudaaharaadka, ayaa sheegay in ay jiraan qorshayaal lagu kordhinayo tirada dibad-baxyada laga bilaabo 13-ka Janaayo.

“Waxaan codsanayaa in dadka reer Guinea oo dhan ay diyaar ahaadaan laga bilaabo Janaayo 13,” ayuu yidhi.

Qiyaastii 20 qof ayaa dhimatay tan iyo markii mudaaharaadyadu biloowdeen, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP, hal sarkaal oo nabadsugid ah ayaa isna ladilay.

Banaanbaxyo ayaa sidoo kale ka dhacay magaalooyinka gobolka sida Labe, Pita, Dalaba, Mamou iyo Boke, goob joogayaal ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP.

Laakiin dibad-baxyadu waxay rabshado isu beddeleen kadib Markii ay taageerayaasha madaxweynaha ay weerareen dibad-baxayaasha.

Sarkaal ka tirsan nabadsugida oo la yiraahdo Conakry, ayaa sheegay in ugu yaraan 12 qof ay dhaawacmeen, toddobo kamid ah ay si xun u xunyihiin.

Rabshadaha ayaa yimid kadib markii mucaaradka dalkaasi ay sheegeen inay ka hortegi doonaan sharci dejinta doorashooyinka oo la qorsheeyay 16-ka Febraayo – in la qabto, iyagoo kacabsanaya wax is-dabamarin laxariirta liiska doorashada.

Madaxweynahan Wuxuu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee si dimoqraadi ah loo soo doorto sanadkii 2010 ka hor inta uusan ku guuleysan dib-u-doorashada mar labaad.

Sida ku xusan dastuurka hadda jira, madaxweynayaashu waxay ku xaddidan yihiin laba mar kaliyah in ay maamulaan xafiiska.

In kasta oo rajada hore ee ifafaalaha siyaasadeed ee cusub uu dalka ka jiro, haddana dhaleeceeyaashu waxay leeyihiin xukunkiisu wuxuu noqday mid sii xumaanaya