General Xaftar Oo Aqbalay Xabad Joojinta Liibiya

0
129

Axad, RBB News:- Ciidamada daacadda u ah xoogaga Liibiya ee Khalifa Haftar ayaa ku dhawaaqay inay aqbaleen baaqii ka soo yeeray Turkiga iyo Ruushka ee ahaa xabbad joojinta Lagaga Dhawaaqay galbeedka Liibiya laga bilaabo saqda dhexe ee bisha Janaayo 13 oo caawa Kubeegan.

War Qoraal ah oo ay soo saareen Ciidamada Haftar ayaa lagu yiri “jawaabtu waxay noqon doontaa mid daran haddii ay dhacdo in  uu yimaado xadgudub kasta oo kadhan ah xabad joojinta “.

Ciidamada Haftar waxay u halgamayeen inay caasimada ka qaataan Dowlada ay Qaramada Midoobe ay aqoonsan tahay ee Liibiya ilaa bishii Abriil.

Wax yar ka hor intaanu ku dhawaaqin Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan iyo dhigiisa Ruushka xabad joojinta waxay ka wada hadleen horumarkii ugu dambeeyay ee Liibiya iyo arrimaha gobolka ayagoo isticmaalayay Khadka Taleefanka.

Horraantii toddobaadkan, Turkiga iyo Ruushka waxay ku boorriyeen dhinacyada ku dagaallamaya Liibiya inay ku dhawaaqaan xabbad-joojin maalinta Axadda oo maanta ku began maadaama kooxaha dagaallamaya ay isku khilaafeen oo ay fuliyeen duqeymo xagga cirka ah taasoo kordhineysa walaaca faragalinta shisheeye ay kawadaan gudaha Dalkaasi.

Kol hore ayuu Jeneraal Haftar wuxuu si dhakhso ah ugu dhawaaqay diidmadiisa xabbad-joojinta, go’aankaas oo laga noqday Xalay.

Bishii Abriil, Jeneraal Haftar wuxuu bilaabay weerar ka dhan ah GNA, olole millatari oo ay sameeyeen guddi khubaro ah oo u dhashay Mareykanka waxa ayna sheegeen “inay si rasmi ah ugu wareejisay qalab cusub oo millatari” Liibiya.

Ciidamada GNA ee Liibiya ayaa dhawaan codsi rasmi ah oo “cirka, dhulka iyo badda”  ka dalbaday millatariga Turkiga si ay gacan uga geystaan joojinta weerarka ka imanaya xoogaga Haftar, kuwaas oo isku dayaya inay la wareegaan caasimada, Tripoli.

Turkiga wuxuu taageeraa dowladda ay taageerayaan U.N ee ka soo horjeedda miliishiyada iyo calooshood u shaqeystayaashii dambiga isku magacaabay ee militariga.

Turkiga ayaa todobaadkii hore bilaabay in ay ciidamo u diraan Liibiya si ay u taageeraan hogaamiyaha GNA Fayez al-Sarraj.

In ka badan 280 qof oo rayid ah iyo 2,000 oo dagaalyahan ayaa la diley tan iyo bilowgii weerarkii Haftar ee Tripoli, sida laga soo xigtay UN Dagaallada waxaa ku barakacay dad gaaraya 146,000 oo qof