Duqa Muqdisho Oo Magacaabay Gudoomiyayaal Cusub

0
69

Talaado, RBB News:- Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhawr Gudoomiye Waaxeed u magacaabay deegaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Wareegto ka soo baxday Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa markii ugu horeysay Gudoomiye Waaxeedyo loogu magacaabay waaxaha hoos-tagga Garasbaaley.

Xubnaha la magacaabay ayaa waxay kala yihiin Maxamuud Sahal Faarax Gudoomiyaha Waaxda Shumac, Cabdullaahi Maxamuud Hilowle Gudoomiyaha Waaxda Tabeellaha Sheekh Ibraahim, Maxamed Axmed Weydow Gudoomiyaha Waaxda Weydow, Salaad Abuukar Cumar Gudoomiyaha Waaxda Geeddi Firdhiye, Cabdi Xayle Foodey Gudoomiyaha Waaxda Baariyow iyo Shukri Ibraahim Ismaaciil Gudoomiyaha Waaxda Foorilow.