Askari Toogtay Nin Dhagool Ah oo lasoo Qabtay.

0
98

Arbaco, RBB News:- Xalay waxaa Askari Katirsan Ciidamada Dowlada uu toogtay C/raxmaan maxamuud siigaale oo kamid ahaa dadka deegaanka ee magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug .

Marxuumka ayaa si weyn looga garanayay gudaha magaalada waxa uuna ahaa qof la maqalka.

Dilka ayaa yimid kadib markii Mooto uu saarnaa Marxuumka ay isku dayday in ay si xoog ah ku marto bar koontarool oo ay ciidamada ku hubinayeen gaadiidka.

Dilka kadib ayay Ciidamada Dowladda waxa ay isku dayeen in ay qabteen Askarigii Dilka geystay.

Dadka deegaanka ayaa Sheegay in askariga rasaasta ku furey Mootada doonayay in uu baxsado laakin Ciidamo kale oo goobta ku sugnaa ay gacanta ku dhigen.

Waxaa iska caado noqotay toogashadad Ciidamada Dowlada ee Dhalinyarada ayadoo ay jirto hibsiimo la aan Ciidamada ah iyo in mararka qaar ar si kas ah utoogtaan dad shacab ah.