AL-shabaab Oo Weeraray Saldhig Ciidamada Kenya ay kuleeyihiin Jubadda Hoose.

0
161

Talaadi, RBB News:- Dagaaliyahaano Katirsa Xarakada Alshabaab ayaa dagaal culus waxa ay ku qaadeen Xarun ay Ciidamada Kenya kuleeyihiin gobalka Jubbada hoose.

Dagaaliyhaanadan Shabaabka ah ayaa weerar loo adeegsaday madaafiic culus waxa ay ku qaadeen Saldhigan oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Kenya oo kuyaal Qooqaani ee Gobolka Jubadda Hoose.

Deegaanada Jubadda Hoose ayaa waxaa si xoog ah looga maqlayay Daryanka madaafiicda ay labadan dhinac isu adeegsanayeen.

Dadka Deegaanka Qooqaani ayaa Sheegay in Dagaalku uu ahaa mid culus islamarkaana aan la ogaan karin Khasaaraha Rasmiga ah ee Weerarkaasi.

Waxa ay intaasi ku dareen Dadka Deegaanka in ay jirto Cabsi xoogan oo laxariirto in markale kale ay Dagaalo Kadhacaan Deegaankan.

Majirto guullo laga sheegtay Dagaalkan Alshabaab oo Warkan ku qoray halka ay wararka ku faafsadaan ayaanan sheegin wax Qasaaro ah oo Ay gaarsiiyeen Ciidamadii ay weerareen ama ayagga wax soo gaaray.

Dhamaadka Sanadkii tagay iyo Sanadka bilowga ah waxaa aad u kordhay Weeraeada Alshabaab ay Ka geysanayaan Gudaha Dalka Kenya ayagoo beegsaday Xarumo Millatari oo ay leeyihiin Ciidamada Kenya, Goobo Waxbarasho oo ay kudileen Barayaal ajnabi ah waxaa usii dheeri ahayd weeraro Dhabo gal ah oo ay kudileen Shaqsiyaad badan oo aanan heysan Diin Muslimka.