Wasiir Cawid Oo Lakulmay Kuxigeenka QM Ee Somaliya.

0
96

Khamiis, RBB News:- Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Somaliya ayaa Shalay galinkii DibaddaDambe Magaalada Muqdisho ku qaabilay Kuxigeenka Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya, Adam Abdelmoula.

Qoraal kooban oo la soo dhigay barta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku leedahay Shabakadda Twitter-ka ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ee farsamooyinka.

“Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad wuxuu kala hadlay Kuxigeenka Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya, Mudane Adam Abdelmoula xoojinta qaababka farsamooyinka.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxay Magaalada Muqdisho ka wadaan kulamo ay la qaadanayan Madaxda Dowladda Somaliya iyo Siyaasiyiinta Xisbiyada KMG ee dalka ka dhisan.

Beesha caalamka waxa ay walaac xoogan kamuujineysaa xaalada Somaliya xilli Dowlada Dhexe ee Somaliya iyo Xubnaha Mucaaradka uu kadhaxeeyo Loolan adag oo ku saleysan hanaanka doorashada iyo qaabka ay dowlada uwajahday Sugida amaanka iyo Arimo Kale.

Inkastoo Dhacdada ugu weyn ee hadda taagan ay tahay Arimaha Doorashada Madaxweynaha Somaliya.