DIGNIIN:- Kenya Oo Udigtay Al-Shabaab.

0
148

Khamiis, RBB News:- Digniintan ay soo Saartay Dowlada Kenya ayaa lagu sheegay in Alshabaab looga digayo Weerarada iyo Dilalka Qorsheeaan ay ka geystaan Gudaha Dalkaasi.

Wasaarada arimaha Gudahada Kenya ayaa maanta soo saartay Digniintan waxaana ay sheegtay in Xarakada Al-Shabaab iyo Dadka gabbaadka siiya, ay ula dhaqmi doonaan si adagna haddii ay Gacanta ku dhigaan Laamaha amaanka Dalkaasi.

Wasiirka arrimaha gudaha Dalka Kenya, Fred Matiang’I, ayaa sheegay in iyaga oo dhowraya xuquuqul Insaanka sharcigana ixtiraamaya, aysan sinnaba u kala sooci doonin cadowga iyo kuwa iyaga difaaca, isagoo sheegay in ay tahay mas’uuliyad ballaaran oo ka saran ilaalinta Dalkiisa.

Wasiirka oo ka hadlayay shir lagu gorfeynayay ammaanka oo ka dhacay Mombasa ayaa waxa uu faray saraakiisha Boliiska iyo Gudddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Xeebta in ay soo xaqiijiyaan Dadka ku nool degaannada ay ka arrimiyaan iyo aqoonsiyadooda, si loo garto waxa ay yihiin iyo halka ay ka yimaaddeen.

Dagaaliyahaanada Alshabaab ayaa labo jibaaray Weerarada ay kageystaan gudaha dalka Kenya waxaana labadii bilood ee lasoo Dhaafay ay geysteen in ka badan shan weerar oo ay ki dileen Dad udhashay Dalka Kenya iyo Kuwa kale oo Ajaanib ah.