Petr Čech oo garab istaag weyn u muujiyay Mesut Özil, kadib markii uu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah

0
222

(Arsenal) 26  July 2018. Goolhaayaha kooxda Arsenal Petr Čech ayaa garab istaag weyn u muujiyay saaxiibkiis reer Germany ee Mesut Özil, kadib markii uu ka fariistay ciyaarista ciyaaraha caalamiga ah.

Petr Čech ayaa sheegay in ka fariisashada Mesut Özil ee ciyaaraha caalamiga ah ee xulkiisa Germany, ay ka dhigi doonto in si weyn uu diirada u saaro kooxdiisa Gunners.

Goolhaayaha kooxda Arsenal ayaa aaminsan in Mesut Özil uu ka mid yahay ciyaartoyda ugu khibrad badan caalamka kubada cagta.

Özil ayaa mar hore kula guuleysatay xulkiisa Germany Koobkii Aduunka ee 2014-ka ee lagu qabtay Brazil, ka dib markii ay kaga guuleysteen dhigooda Argentina.

Laakiin Mesut Özil ayaa kadib markii uu la kulmay eedeymo kala duwan dhawaanahan ay ku qasabtay danta inuu ku dhawaaqo inuu isaga fariistay u ciyaarista xulka qaranka Germany.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here