Halkee baan ka arki karaa dayax madoobaadka ugu dheer qarniga 21aad?

0
324

Image result for bbc somali

Dayax madoobaadka wuxuu dhici doonaa 27 Luulyo 2018, waana mid aan hore u dhicin.

Wuxuu noqon doonaa dayax madoobaadkii ugu dheeraa qarniga 21aad, sida ay sheegayso hay’adda hawada sare u qaabilsan Maraykanka (NASA).

Haddii aad nasiib badan tahay, waxaad daawan doontaa hal saac iyo 43 daqiiqo oo dayax madoobaadkaas uu socon doono.

Waa maxay dayax madoobaad?

Dayax madoobaad wuxuu dhacaa marka qorraxda, dhulka iyo dayaxu ay isku beegmaan. taa micnaheedu waa in dhulku uu soo kala dhex galayo qorraxda iyo dayaxa, oo uu ka xannibayo iftiinka qorraxda inuu gaaro dayaxa.

Madoobaanshuhu wuxuu dhacaa marka uu dayaxu galo hooska dhulka.

"Dayax madoobaadka waxaa la socda wax la yiraahdo "bil-dhiig". Sawirkan waa ayadoo dul joogta TurkigaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image caption“Dayax madoobaadka waxaa la socda wax la yiraahdo “bil-dhiig”. Sawirkan waa ayadoo dul joogta Turkiga

Maxaa loogu bixiyey Bil-dhiig?

Habeenka uu dhacayo dayax madoobaadka, waxaa kaloo la socda wax la yiraahdo “Bil dhiig”, sababta loogu bixiyeyna waa midabka guduudan ee uu yeelanayo dayaxa.

Tani waxaa loo aanaynayaa iftiinka ka dhasha marka dahaarrada dhulka ka sarreeya (atmosphere) uu sii dhex maro iftiinka qorraxda oo uu yeesho midab u eg kan burtuqaalka (oranjada) ama casaan, kaasoo ku dhaca dayaxa.

Waxaa intaa dheer in dayax madoobaadkan uu dhici doono, ayadoo dayaxu uu marayo halka ugu shishaysa ee dhabbaha wareegga ah ee uu ku socdo.

Halkee laga arki karaa, goormaase la arki karaa?

Dayax madoobaadka 27 Luulyo waxaa laga arki doonaa gabi ahaanba inta badan qaaradaha Yurub, Afrika, bariga dhexe, bartamaha Aasiya iyo Australia, – inta badan meel kasta waa laga arki doonaa marka laga reebo waqooyiga Ameerika.

Uma baahnid in aad wax qalab ah ku eegto, laakin doorobin fiican haddii aad haysato wuu ku caawin karaa.

Haddii aad joogto meel aad si fiican uga arki karto, waxaa kuu suurto galaysa in aad aragto dhinaca soo baxaya ee dayaxa, wakhtiga ugu fiicanna waa 11:21 habeennimo ee Afrikada bari, hase yeeshee, wakhtiga ugu wanaagsan ee laga arki karo geeska Afrika waa daqiiqado ka hor ama ka dib xilligaas.

Koofurta Ameerika meelaha qaar ayaa laga arki doonaa dayaxa oo barkiis uu hoos ku jiroLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionKoofurta Ameerika meelaha qaar ayaa laga arki doonaa dayaxa oo barkiis uu hoos ku jiro

Yaa si fiican u arki kara?

Meesha ugu fiican ee laga arki karo waa bariga Afrika, bariga dhexe iyo bartamaha Aasiya.

lagama arki doono gobollada bartamaha iyo waqooyiga Ameerika.

Koofurta Ameerika, waxaa qayb ahaan laga arki doonaa deegaannada dhinaca bari sida magaalooyinka Buenos Aires, Montevideo, Sao Paulo iyo Rio de Janeiro.

Magaalooyinkaas iyo kuwa u dhowba waxay arki doonaan marka uu dayaxu godka sii galayo, ama daliigta u eg in cirka iyo dhulka ay iska galaan.

UK kuma jirto meelaha laga arki doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here