Argagax soo wajahay ciyaartoyda Bayern Munich kadib Hotel-kii ay dagnaayeen oo ….!!

0
289

Ciyaartoyda kooxda Bayern Munich ayaa saaka argagax ku soo toosay kadib markii xalay laga reebay koobka horyaalada yurub.

Wararka ka imaanaya magaalada Madrid ayaa sheegaya in ciyaartoyda Bayern Munich ay ku soo tooseen buuqa iyo sawaxanka qalabka bixiya digniinta xiliyada dabka uu kaco.

Inkasta oo ciyaartoydu ay wal wal la soo kala boodeen ayaa ilaa haatan aan la xaqiijin sax ahaanshaha in dab uu ka kacay Hotel-kii ay daganaayeen ciyaartoyda Bayern Munich.

Waxaa xusid mudan in Bayern ay xalay ka hartay Champions League kadib markii looga adkaaday 4-3 labadii lug ee Semi Final-ka Champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here