R/wasaare khayre “Soomaaliya way soo kabaneysaa waxa ay heysaa dariiqii rasmiga ah .

0
320

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane xasan cali khayre ayaa Magaalada Garowe ugu qeyb galay xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiinaayay Arday ka qalin-jebisay kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda PSU (Puntland State University)

Ardayda ayuu ku dhiiragaliyay dedaalkii soo hureen , waxa uuna Ra’iisul wasaaraha ku booriyay qalin jebiyaasha in aqoontooda ugu adeegaan dalka iyo dadka soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa u hambalyeeyay qalin-jebiyaasha, wuxuuna u mahadceliyay Waaliddiinta Ardayda dhashay, Dawlad Gobaleedka Puntland, maamulka iyo barayaasha Jaamacadda, isagoo sheegay in Maanta ay tahay Maalin ku wayn qalin-jebiyaasha iyo ummadda Soomaaliyeed inteeda kale.

Khayre ayaa u rajeeyay qalin-jebiyaasha in shahaadooyinka ay qaateen manta ay noqdaan kuwii  ku hagaajin lahaayeen Dalka isla markaana   ku gaarsiin lahaayeen maqaamka mudan tahay soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here