Arsenal Oo Kusoo Biirtay Loolanka Daafaca Reer Croatia Domagoj Vida & iyo wadada kaliya ay ku heli karaan oo shaaca laga qaaday

0
198

4/8/2018 (RBB) Saxiixa daafaca reer Croatia Domagoj Vida ayaa lagu dagaalamayaa xagaagan kadib markii uu qaab ciyaareed aan caadi aheyn kusoo bandhigay koobkii Adduunka ee lagu soo dhameeyay Russia bishii July ee lasoo dhaafay.

Arsenal ayaa kusoo biirtay loolanka loogu jiro xiddigaan heerka caalami, balse waxey ku qasban tahay  iney iibiso laba ka mid ah xiddigaheeda kuwooda heerka dhexe, waana go’aan ku xiran tababare Unai Emery.

Wargeyska The Sun ayaa qoray in Unai Emery uu qorsheynayo inu 25 Malyan oo Pound kusoo iibsado xiddiga reer Croatia, isagoo ku qasban inuu suuqa dhigo Shkodran Mustafi iyo Danny Welbeck.

Unai Emery wuxuu bilaabay inuu xoojiyo kooxdiisa markii uu yimid, Sokratis Papastathopoulos ayaa ku yimid Emirates Stadium adduu dhan 16 Malyan oo Pound, sidoo kalana kooxda waxey horay u heysatay Mustafi, Calum Chambers iyo Rob Holding.

Waxaa jira sababo badan oo ku qasbaya Unai Emery inuu keeno daafac kale oo kooxdiisa awood kusoo kordhiya maadaama la filayo inuu waayo Laurent Koscielny, sidoo kalana ay ka dhaawacnaan doono muddo Sead Kolasinac.

Go’aanka waxaa laga sugi doonaa Unai Emery, iibinta Danny Welbeck iyo Mustafi ayaana ka caawin doonta iney helaan Vida oo ay saxiixiisa ku hungowday Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here