Maxaa Ka Soo Baxay Kulankii Ay Yeesheen Willian Iyo Tababare Maurizio Sarri?

0
115

4/8/2018 (RBB) Tababaraha cusub ee Chelsea Maurizio Sarri waxa uu sheegay in wadahadal miro dhal ah uu la yeeshay Willian kaddib markii uu ku soo laabtay tababarka.

Laacibka reer Brazil waxaa xagaagan si xoog leh loola xiriirinayey Manchester United waxa uuna shan maalmood ka soo daahay tababarka Chelsea kaddib markii uu cusbooneysiin waayey Baasaboorkiisa.

Sarri la yaab ayuu ku tilmaamay arintaas laakiin wuu farxay kaddib markii ay kulmeen Willian.

Kahor kulan Community shield-ka, Sarri waxa uu sheegay in uu soo daahiddiisii kala hadlay.

‘Ma aha wax ku saabsan mustaqbalkiisa. Wadahdal aad mira dhal u ah ayuu ahaa kolkaa waan faraxsannahay. Waxaan qabaa in dhibaato Willian ah jirin.’

Mar la weydiiyey in uu u maaleenayo in Willian joogayo Chelsea, Sarri waxa uu ku jawaabay: ‘Haa waan qabaa, aad ayaan ugu kalsoonahay.’

Walow uu tababarro gaaban la qaatay kooxda hadana Sarri waxa uu sheegay in uu 29 jirka ciyaarsiin doono kulanka Mancester City haddii uu tababarada soo socda bandhig wanaagsan sameeyo.

Mar la weydiiyey in Brazilian-ka kulanka axadda ku soo bilaaban doono, Sarri waxa uu hadalkiisa raaciyey: “Ma aqaan. Waxaan rabaa in aan eego labada tababar ee ugu dambeeya.

“Malaha safka kowaad waxa ay aad iyo aad ugu dhawdahay kulankii ugu dambyey. Laakiin malaha wax kale ayaa dhici kara.

“Waxaan rabaa in aan arko labada xalqadood ee tababarka ugu dambeeya kaddib berri ayaan qaadan doonnaa go’aan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here