Man City oo ku guuleysatay koobka Community Sheild

0
212

Kooxdxa Manchester City ayaa ku guuleysatay koobka super cup-ka dalka Ingiriiska ee loo yaqaano Community Sheild kaasoo ay sannad walbaa ku tartamaan labada koox ee kusoo kala guuleysta horyaalka iyo FA Cup-ka, kadib marki ay Axadi shalay 2-0 ku garaacday naadiga Chelsea.

Kulanki shalay oo sidoo kalana hordhac u ahaa billaabashada horyaalka Premier League-ga Ingiriiska oo dhawaan billaaban doona ayaa ka dhacay garoonka Wembley, waxaana wacdaro ka dhigay weeraryahanka kooxda Manchester City Sergio Aguero oo dhaliyay labada gool ee ay kooxdiisa ku badisay.

Goolkii hore oo uu dhaliyay daqiiqadii 13-aad wuxuu ahaa kiisii 200-aad ee uu Manchester City u dhaliyo, halka goolka labaadna uu ahaa kiisii 201-aad.

Guuldarradani ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee soo gaarta macallinka cusub ee Chelsea Maurizio Sarri oo kadib marki uu ku biiray Chelsea bishi aanu kasoo gudubnay.

XIGASHO: VOA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here