Laba-kaclaynta loolanka Geeska Afrika – Q. 4-aad

0
68
Qaybtaan waxay la socotaa middi ka horraysay. Waxay dhamaystiraysaa dhibatooyinka Jabuuti ooga soo fool leh quwadaha shisheeye ee xeebaheeda laga wada kireeyay. Waxaa noo danbaysay in Jabuuti oo dhul ahaan labo jeer wax ku dhow ka yar gobalaka Mudug (Mudug waa 60,000km2 hala Jabuuti ay tahay 23,200KM2) ay xeebaheeda isugu keentay, Shiine, Maraykan, Faransiis, Japan iyo Sacuudi Carabiya. Waxaan soo sheegnay in Shiine deyn xad dhaaftay ku yeeshay Jabuuti ilaa haddana oo mid kale siinayo taasoo looga shaki qabo inuu ku doonayo la wareegidda gacan ku haynta xeebaha Jabuuti marki ay bixin waydo qaanta. Waxaan maraynay in Shiine iyo Maraykan oo Jabuuti ku leh saldhigyo ciidan oo isu jiro 6 mayl kaliya ay billaabeen isku eedayn daandaansi.
Siyaasiyiinta iyo saraakiisha ciidamada Maraykanka ugu sarrayso ayaa walaac weyn ka muujiyay damaca Shiinihu kuu doonayo in gacanta ku dhigo dekadaha Jabuuti. Jananka haysto ciidamada Afrika ee Maraykanka ayaa sheegay Shiinuhu u diidi karo  Maraykanka isticmaalka dakedda haddii ay sidaan howshu kusii socoto. Shiine oo la wareego gacanta ku hayn xeebaha Jabuuti waxay, sidoo kale, ka dhigan tahay inuu isagu maamulo marinka Baab-Al-Mandan oo ah meesha 5% shidaalka adduunku uu maro. Haddii taasi ay dhacdo Maraykan iyo xulufadiisu waxay marti u noqonayaan Shiinaha, oo aanan keeni doonin kaliya inuu kaga adkaado tartarnka ka dheexeeye, ee sidoo kale keeni doonto inuu isagu yeeriyo waxa meesha marayo iyo koontaroolkeeda. Arrintaas inay dhacdo Maraykan dhimasho oogama duwana.
Inkastoo aysan hadda muuqan tallaabooyin u furan oo arrintaas uu ooga hortagi karo, haddana Maraykanku wuxuu ku jiifaa walwal joogta ah oo uu ka qabo is balaarinta Shiinaha ee Geeska Afrika. Xataa haddii uusan dhex marin dagaal hubaysan, mid siyaasadeed ee u dhaxeeyo labada dal ee adduunka ugu tunka weyn ku filan inay baabi’iso Jabuuti.
Waddamada Carabta ee sida lama filaanka ah ugu soo biiray loollanka ayaa la tuhmayaa inay Maraykanka jaraanjaro u yihiin. Imaaraatka oo ah saaxiibka ugu dhow Maraykanka, ayay Jabuuti isfahmi waayeen. Isfahanwaagaas wuxuu keenay in Imaaraat qaado talaabooyin is xigxigo oo muuqdo kuwo uu ku doonayo inuu Jabuuti god ku rido. Tusaale, wuxuu xariir dhow la samaystay Itoobiya lacag aad u bandanna siiyay. Sidoo kale wuxuu xariir aan caadi ahayn la yeeshay Eritareeya oo ay Jabuuti dhulna isku hayaan tartan xagga badaha ahna ku jiraan.
Heshiiska lama filaanka ah ee dhaxmaray Eritareeya iyo Itoobiya waxaa la sheegayaa inuu sabab u ahaa Imaaraat oo doonayo in Itoobiya isticmaasho dekadaha Eritareeya si loo wax yeelleeyo Jabuuti. Wararka aan la xaqiijin ayaa sheegayo in Imaaraatku ballanqaaday dayac tirka dakedaha Masawa iyo Casab ee Eritareeya, inuu dhiso jidku isku xiro Adisaba iyo Casamara iyo mid isku xiro Masawa iyo Makelle oo ah caasimadda gobalka Tikreega. Mashrrucaan oo sidaa su hirgalo Jabuuti wuxuu ku yahay dhabarjab naafeeyo dakhliga kasoo galo deledaeheeda taasoo adkayn doonto inay bixiso deynta lagu leeyahay.
Laakiin fulinta mashruucaan wuxuu u baahanhay balaayiin lacag ah iyo waqti gaarayo tobannaan sano taasoo la ogayn sida Imaaraat oo ku ceyrtoobay dagaalka Yemen uu u fulin karo.  Hasa yeeshee marki la fiiriyo hanka Itoobiya ee ah inay dalkeeda ka dhisto kaabayaasha dhaqaalaha kasoo u sahlayo damaceeda ah inay ka mid noqoto waddamada dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay sanada 2025’ta iyo sidoo kale qar iska-tuurnimada Imaaraat iyo waddamada carbeed lagu yaqaan waa mid aad ugu dhow inuu fulo. Culayskaas soo fuulay Jabuuti wuxuu u ogolaan karaa Maraykanka inay gorgortan la galaan madaxda dalkaas xalna u helaan cabsida laga qabo in Shiine la wareego xeebaha Jabuuti. Sidoo kale wuxuu sii murgin karaa xaaladda Jabuuti oo waxaa suuragal ah inay Shiine si buuxdo isugu dhiibto iyadoo u fakerayso sida Imaaraatka ee ah ‘rag iska celi’.
Haddii ay ka badbaado dabinka Shiinahu u dhigay Jabuuti, waxaa adag inay ka badbaaddo midka ay dhigtay Itoobiya. Qaanta uu Shiine siiyay Jabuuti afar laabkeed ayuu siiyay Itoobiya. Lacagtaan in badan oo ka mid ah waxaa lagu maalgaliyay waddoyin iyo tareen Itoobiya ku xiro Jabuuti. Hadafka mashaariicdaan waa in la isticmaalo boqollaal sano. Heshiisyada lagu galay mashaariicdaan Jabuuti qayb ayay ka ahayd sidaa darteed kama weecan karto.
Haddii ay dhacdo inay is qoomaan Itoobiya iyo Jabuuti oo howlo un isku qabtaan, Jabuutina go’aansato inay xirato xudduudkeeda, Itoobiya waa xaqiiq inay isku dayi doonto inay xoog kula wareegto Jabuuti oo dhan. Arrintaas waxay u cuskan inay difaacanayso danaheeda iyo lacagta balaayiinta ah ee ka gashay dhulka Jabuuti. Sidoo kale waxay ku doodi inay Jabuuti jabisay heshiiski lagu saleeyay mashaariicdaan Itoobiya qaameeyay.
Intaas waxaa dheer in dad Itoobiyaan ahi ay buux dhaafiyeen Jabuuti. 2015’ki Itoobiyaanka ku noolaa Jabuuti wuxuu ahaa 50,000 oo qof (0.16% ayay ka ahaayeen shacabka Jabuuti) inta aan la aqoon inay yimaadeen ee iska soo galay xad ma leh. Waqtigaas waddada tareenka lama dhisan mashaariicda shaqooyinka badan laga helayo ee Jabuuti ka socdana bilow ayay ahaayeen. Sidaas awgeed hadda waxaa suuragal ah inay ilaa 80 kun gaarayaan. Dadka Itoobiyaanka ah ee galo Jabuuti waxay u badan yihiin dad dago oo ku talagala inaysan soo noqon. Waxaa caasimadda ku yaallo xaafado u gooni oo gaaray inaysan cid kale ag mari karin (arrintaan ma hubo oo sheeko ayay igu soo gaartay). Lama yaqaan in dowladda Itoobiya si ku talagal ah dadkaas ugu dirto Jabuuti inay si dabiici isaga dhacdo laakiin waxaa hubaal ah in haddii tiro xooggan oo Itoobiyaan deegaan ku yeeshaan Jabuuti ay sahlanaan doonto inay Itoobiya qabsato Jabuuti.
Jabuuti waxaa ku nool Canfar 40% shacabka ah. Qowmiyaddaan waxay aaminsantahay inay iyadu Jabuuti deegaan u leedahay Ciisana kaga badan tahay ee Soomaali aan ree Jabuuti ahayn xoog ku muquunisay. Tabashadaan waxay noqon kartaa mid ay Itoobiya ka faaiidaysato marki ay u diyaar garowdo duullaan ay ku qaaddo Jabuuti. Canfartu waxay ku baahsantahay Itoobiya, Jabuuti iyo Eritareeya mana leh dal u gooni, marka inay ku fakeraan yeesha dal idiin gaar ah wax la baciidsado maahan.
Waxaa kaloo meesha ku jiro in Itoobiya sida ay Soomaaligalbeed oogala wareegtay Ingriiska uu qorshuhu ahaa inay Jabuuti oogala wareegto Faransiiska. 1884’ti Faransiiska iyo Itoobiya waxay kala saxiisdeen heshiis lagu dhisayo jid tareen oo kasoo baxo Jabuuti yimaadama Adis Ababa. Waa jidka hadda dib Shiinuhu u dhisay. Heshiiskaan waxaa ka mid ahaa in Faransiisku jidkaas iyo dhulkuu maro ee Jabuuti ah uu gacanta ku haynayo muddo 99 sano. Marki muddadaas dhammaato wuxuu si otomaatik ah u noqonayaa jidka iyo dhulkuu maraba mid hoos yimaada Itoobiya. Nasiib wanaag 99 ka hor ayay Jabuuti iska rogtay heeryadi guumaystaha. Laakiin Itoobiya waxay aaminsantahay in Jabuuti tahay dhul ay iyadu leedahay oo Faransiis ka xoogay ka dibka xorriyad ka siiayay. Sheegashadaas, inkastoo aannan idaacadaha ka maqal, waa mid lagu dhigo iskoollada ilaa jaamacadaha.
Ugu danbayn tartanka ka aloosan Geeska Afrika wuxuu u muuqdaa mid loogu tartamo qaybsigiisa. Waddamo horay guumayste u ahaa, kuwo hadda doonayo inay wax guumaystaan iyo kuwo dano dhaqaale kaliya leh ayaa isku eryayo gacan u haynta mandhiqadda. Deegaannada Soomaalida oo ay Jabuuti ku jirto ayaa ah ugu baylahsan ee cid walba isha ku hayso oo ay is leedahay la qaybsaye ha ka qadin. Waddamada quud-darraynayo inay qaybta wax ka helaan waxaa ka mid ah Itoobiya oo isu diyaarinayso inay isu muujiso dalka aan laga tallaabsan karin. La soco qormada xigta inshallah.
W/Q: Ibrahim Aden Shire

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here