AMISOM “Al-Shabaab dadka ayey nacsiineysaa Diinta si ay uga mirro dhaliyaan danbiyada ay galayaan”

0
345

Muqdisho (RBB)-Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Somalia, Francisco Caetano Madeira, ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay halis ku yihiin diinta Islaamka.

Francisco Caetano Madeira, waxa uu sheegay in Al-Shabaab intooda badan ay dadka dilaan xiliyada cibaadada waxa uuna tusaale usoo qaatay Askari ka tirsanaa ciidamada Booliska Somalia oo dhawaan lagu dhex dilay Masjid ku yaalla agagaarka Barxada Biyaaso Liibaro ee degmada Xamar Jajab xili uu ku guda jiray salaada.

Francisco Caetano Madeira, waxa uu Al-Shabaab ku eedeeyay inay u gaarsadan dadka waxgalka u ah dalka iyaga oo intooda badan beegsada xiliyada ay ku howlan yihiin gudashada waajibaadkooda diiniga ah.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Waxay marayaan Al Shabaab heerkii ugu hooseeyay, waa kuwo niyad jabsan waxayna raadinayaan inay sameeyaan fariimo ay ka mid yihiin ficilladaas oo kale, waxaan ka naxay falka dilka ah, weerarku wuxuu xaqiijinayaa in Al Shabaab aysan ixtiraameynin Diinta Islaamka, xitaa waxay dadka ku dilayaan goobaha cibaadada”.

Mr. Madeira ayaa ku celiyay sida ay uga go’an tahay howlgalka Midowga Afrika ee ah in uu la shaqeeyo ciidamada amniga Soomaaliya iyo la hawlgalayaasha kale, si loo dhammeeyo dilalka aan kala sooc lahayn iyo weerarada khasaaraha wata ee Masaajidda, Hoteelada iyo meelaha kale ee ay isugu timaado bulshada.

Sidoo kale, Francisco Caetano Madeira, ayaa Shabaab ku eedeeyay inay kordhiyeen askareynta caruurta yar yar, wuxuuna tilmaamay inay ka hortagayaan falal uu ku sheegay kuwa guracan oo ay geystaan Al Shabaab.

Haddalka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Caetano Madeira ayaa u muuqda mid lagu muujinaayo ceebaha Al-Shabaab iyo danbiyada muuqda oo ay ka galayaan shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here