Xisbiga haya Gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo Addis Ababa ku Doortay Guddoomiye Cusub

0
40

Xisbiga haya Gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta kulan uu ku yeeshay magaalada Addis Ababa ku doortay Guddoomiye cusub. Kulanka xisbiga ayaa ka dacay magaalada Addis Ababa, waxaana xubnuhu doorteen Axmed Shide oo ah Wasiirka Isgaarsiinta ee dalka Itoobiya oo hoggaamin doona Xisbiga Dimoqraadiga ee Shacabka Soomaalida Itoobiya ESPDP.

Saraakiisha ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa idaacadda VOA u sheegtay in muddada guddoomiyaha cusub uu talada haynayp ay tahay ilaa laga qabanayo shirweynaha xisbiga oo dhici doona dhowaan.

Jagadaasi waxaa horey u hayey madaxweynihii hore ee gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo la sheegay inay haatan ku sugan yahay magaalada Addis Ababa.

Madaxweynaha Gobolka ayaa ah Axmed Cabdi Maxamed oo toddobaadkii hore isna xilkaasi kala wareegay Cabdi Maxamuud Cumar.

Qalalaase dad badan ku dhinteen ayaa toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka. Mas’uuliyiinta ayaa VOA u sheegay inay qalalaasahaa sku dhinteen 29 qof.

XIGASHO :VOA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here