Dalka Ciraaq oo ka dhacaysa doorasho guud

0
130

Guud ahaan dalka Ciraaq ayaa waxaa maanta Shacabka ku nool ay u dareerayaan codbixin doorashada Baarlamaaniga ah, markii ugu horeysay tan iyo markii dowladda Ciraaq ay ka guuleysatay in dalku ay ka sarto argagixisada Daacish.

Haider Al-Abadi oo ah Ra’iisal-wasaaraha haatan talada haya ee dalkaasi ayaa siweyn loo hadal hayaa in uu ku guuleysan doono xilka,inkastoo loo badinayo in uu wajihii karo loolan adag.

Waxaa lagu amaanay Ra’iisal-wasaare al- Abadi guusha uu ka gaaray dagaalkii uu kula jiray kooxaha argagixisada iyo amniga oo aad u soo wanaagsanaaday dhammaan waddanka,tan iyo markii laga adkaaday Daacish.

Doorashadan dacaysa ayaa Qof kasta oo ku guuleysta doorashadaan waxaa looga fadhiyaa  in uu mideeyo mad-habta kala duwan ee ka jirta Ciraaq, kuwaasi oo iyaguna caqabad ku ah nabadda waddanka.

Qaar kamid ah bulshada reer Ciraaq ayaa si weyn u dhaliilsan musuq-maasuq baahsan oo ay sheegeen in uu kajiro hay’adaha Dowladda.

Dhanka kale waxaa ay Ciraaqiyiintu ay ka cabsi qabaan in markale dalkooda uu ka dhoco dagaal sookeeye,kaasi oo salka ku haya siyaasadaha Mareykanka iyo Iiraan ka dhex taagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here