Maraykanka oo baaraya duqayntii ka dhacday Shabeellada hoose

0
85

Ciidanka Milliteriga Maraykanka ayaa sheegay inay baarayaan duqayntii dhawaan ay Diyaaradahooda ka geysteen Gobolka Shabeellada hoose oo la sheegay inay wax yeello ka soo gaartay Dad Rayid ah.

Bayaan ka soo baxay AFRICOM, ayaa lagu sheegay inay garwaaqsadeen eedeymada ugu yimmid howl-galladooda xagga Cirka ah, waxanay sheegeen inay xaqiijin doonaan wixii macluumaad ah ee ku aaddan dhacdadan.

“Waan ka warqabnaa warbixinnada ku saabsan in Dad Rayid ah ay wax yeello ka soo gaartay howlgalkan, waana mid aan si dhab ah u qaadannay , baaritaanno ayaan ku samayn doonnaa,” ayaa lagu yiri bayaanka AFRICOM.

Milliteriga Maraykanka ee AFRICOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howl-gal ay ku baacsanayeen Al-Shabaab waxay Habeennimadii Arbacada aynu soo dhaafnay ku qaadeen degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo la sheegay inay ku dhinteen Dad Rayid ah oo ka ag dhowaa aagga ay duceyntu ka dhacday.`

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here