Reer Jabuuti oo ka hadlay Booqashada Madaxweyne Farmaajo

1
1322

AUGUST 16, 2018 (RBB) “Shalay iyo xalay waxaa dalka Jabuuti wada hadallo ku yeeshay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti, Maxamed Cabdullahi Farmajo iyo Ismaaciil Cumar Geelle, ka hor inta uusan Madaxweynaha Soomaaliya maanta u sii safrin dalka Turkiga, oo xafiiskiisu uu sheegay inuu casuumaad ka helay Madaxweynaha Turkiga, Recep Dayid Erdogan.

Wadahadallada labada dhinac ayaa ujeedkiisu uu ahaa in lagu xalliyo mad-madow soo kala dhex galay Soomaaliya iyo Jabuuti, ka dib markii uu madaxweynaha Soomaaliya oo ku suggan Asmara ka codsaday Qaramada Midoobay in cuna-qabateynta hubka laga qaado Eretria. Dalkaas oo ay Jabuuti colaadi kala dhaxeyso. Wararka qaar ayaa sheegaya in Soomaaliya iyo Jabuuti ay is af-garad ka gaareen xiisaddii dhexdooda aheyd.

XIGASHO: VOA SOMALIA

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here