Tartanka kubadda cagta degmooyinka gobolka Banaadir oo furmay

0
492

(Muqdisho) 25 Agoosto 2018.(RBB NEWS)  Waxaa shalay si rasmi ah garoonka Banaadir uga furmay tartanka kubadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir 2018, waxaana xaflada furitaanka oo si heersare loo soo agaasimayay kasoo qayb galay masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir iyo masuuliyiinta wasaaradda dhallinyarada iyo Isboortiga , Xiriirka kubadda cagta iyo marti sharaf kale.

Ka hor bilowga ciyaarta waxaa garoonka Socod kusoo maray ciyaartoyda 17 degmo ee gobolka Banaadir oo ay horkacayeen Bambayda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana tartanka daah furay Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye.

Kulanka furitaankaoo ay ku loolameen degmada Waaberi oo tartanka daafacanasya iyo Degmada Dharkeenleey oo kuwad jira Group waxay soo bandhigeen ciyaar aad loogu bogay waxaana qaybta hore lagu kala nastay 0-0.

Marki laysku laabtay Waaberi ayaa hogaanka ciyaarta la wareegtay waxaana u saxiixay laacib-ka  Sulaymaan Siid Cali, waxaase karaka casaanka ka qaatayxiddiga no-11 Xuseen Axmed Cabdullaahi kadib laba jaale oo uu laba qayb ee ciyaarta qaatay, waxuuuna noqday laacibki u horeeyay ee tartanka Degmooyinka ka qaata jaalihii u horeeyay iyo Roosihi u horeeyay.

Dharkenley ayaa abuurtay fursado ay kusoo barbarayn kartay balse waxay ka faa’iidaysan waysay Waaberi oo roosi labaad ee ciyaarta garoonka looga saaray xiddiga no-6 Cabdisalan Xuseen Siyaad.

Kaasoo laba jaale qaatay, waxaana taa badalkeeda gool labaad ugu shubay laacibka no-10  Saadaq Cismaan, waxayna ciyaarta kusoo idlaatay 2-0 oo ay guusha ku raacday Waaberi oo hogaanka Group A kula qabatay 3 dhibcood.

This slideshow requires JavaScript.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here