Tartanka Degmooyinka Gobolka Banaadir Ayaa si Xiisa Leh Uga Soconaya Garoomada Kala Duwan Ee Gobalka Banadir

0
589

(Muqdisho) 25 Agoosto 2018.(RBB NEWS) –Tartanka degmooyinka gobolka banaadir ayaa si xiisa leh uga soconaya garoomada kala aha banaadir stadium iyo garoonka kale ee lagu magacaabo jaamacadaha maanta ayeey eheed maalintii labaad uu ka qabsoomay magaalada muqdisho

Sanadaan waxaa lagu kala ciyaari doona labo garoon waxaana halkii maalin ciyaaraya hal guruub ama 4 degmo maantana waxaa wada ciyaaray degooyinka kala ah warta nabada iyo degmada hodan ciyaartaas ayaa lagu ciyaarayey garoonka banaadir stadium ee degmada c/casiis waqtiqii ciyaarta loogu talagalay ayaa kusoo idlaatay 1-1.

dhanka kale waxa wada ciyaaray degmooyinka yaaqshiid iyo shingaani kusaasi oo ku ciyaarayey garoonka jaamacadaha ee degmada hodan ciyarta ayaa eheed mid xiiso badan oo ay usoo daawasho tageen dad yoow aad u farabadan sidoo kale waxa garoonka kusugnaa gudoomiyaha sportiga xasan wiish iyo shaqsiyaad kale .

Waqtigii ciyaarta loogu talagalay ayaana kusoo dhamaatay barbaro 2:2 ah
Guruubka A waxaa waqtigaan hogaamineysa difaacadayasha degmada waaberi kuwaasi oo ku guuleystay sanadkii ugu dambeeyey 2017.

Ugu dambeyntii biri ayaa lagu wadaa ineey ciyaaraan degmooyinka shibis iyo xamar jajab oo ku ciyaari doono garoonka Jaamacadaha halka kaaraan iyo howl wadaag ay ku ciyaari doonaan garoonka banaadir ee degmada c/casiis.

This slideshow requires JavaScript.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here