R/wasaarihii hore ee Maleesiya oo loo heysto lacago,loona diiday in uu dhoofo.

0
243

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Malaysia  Mr Najib,ayaa lagu eedeeyay in uu leexsaday lacago gaaraya 7-boqol oo milyan oo doolat oo qeyb ka aheyd maalgelinta kharashyada dowladda dalka Maleesiya ee sanadkii 2015-kii.

Tallaabadaasi ayaa sababtay in  Najib Razaq iyo xaaskiisa  laga mamnuuco in ay dalka ka dhoofaan,sida ay shaaciyeen laanta socdaalka ee dalkaasi.

Arimahaan i ayaa imanaya ka dib markii Najib Razaq uu sheegay in isaga iyo qoyskiisa ay doonayaan ineey dalxiis u aadaan dibedda.

Isbuucii la soo dhaafay ayay ahayd markii Najib Razaq iyo xisbigiisa Barisan ay la kulmeen guuldaro naxdin leh,waxaana maalinimadii khamiista ee la soo dhaafay xilka R/wasaare loo dhaariyay Mahathir Mohamad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here