Arsenal oo Garaacday West Ham xili Unia Emery uu Gaaray Guushii ugu Horreeysay Horyaalka Premier League+SAWIRRO

0
356

( Premier League ) 25 Agoosto 2018.(RBB NEWS) – Naadiga Arsenal ayaa guul ay ku dhibtootay ka gaaray kooxda West Ham oo ay kaga badiyeen 3-1 cayaar ka dhacday garoonka Emirates

Kulanka ayaa qeybta hore lagu kala nastay 1-1 iyadoo labada koox ay soo bandhigeen cayaar weerar ku dhisan.

Goolka daah furka waxaa dhalisay kooxda West Ham markii kubbad weerar celis aheyd oo ay si wadajira uda cayaareen xiddigaha Felipe Anderson iyo Marko Arnautovic uu ugu dambeeyna goolka ku hubsaday laacibka Arnautovic kubbadaas uu u muuqday goolhayaha Arsenal mid banaanka joogay.

Ka hor goolka West ham isla Arnautovic ayaa fursad isaga iyo goolhayaha ah badbaadiyay markii baas qiyaaneysay uu ka helay laacibka Robert Snodgrass.

Arsenal ayaa ka hor goolkooda barbarahaa waxaa laga diiday Gool Offiside uu madax ku dhaliyay Aubameyang kaddib laad xoogan uu gool ilaalihaya West Ham ka badbaadiyay Aaron Ramsey.

Dheesha oo socota saacad barked Gunners ayaa la timid goolka bareejada wuxuuna ahaa kubbad uu goolka si caqliyeysan ugu dhameystiray daafac Nacho Monreal oo markaa la kulmay baas banaanka goolka lasoo dhigay oo ka yimid xiddiga Hector Bellerin.

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha dambe kooxda Arsenal ayaa aad kaga firfircooneed dhigeeda West Ham waxayna abuureen dhawr fursad oo Bartilmaameed ku ah goolka kooxda martida.

Laacibka badalka kusoo galay kulanka ee Alexandre Lacazette ayaa laga badbaadiyay jaanis uu hogaanka ugu dhiibi karay kooxdiisa markii uu darbad xoogan ku tuuray goolka West Ham.

Cayaarta oo socota 68 daqiiqo laacibka West Han ee Felipe Anderson ayaa laga badbaadiyay fursad halis aheyd markii uu darbad xoogan ku tuuray goolka Arsenal kolkaa uu soo dhex jiiray dhawr cayaariyahan oo kooxda Gunners ah.

Balse daqiiqad kaddib Arsenal ayaa heshay gool ay hogaanka dheesha kula wareegeen kaddib kubbad si xoogan ku xariiftimay laacibka Alexandre Lacazette taasoo uu ugu dambeeyn iska dhaliyay daafaca West Ham ee Issa Diop.

Naadiga West Ham ayaa iska lumisay fursad ay ku barbareen laheyd goolka lagu lee yahay markii kubbad weerar celis uu si wanaagsan kaga soo shaqeeyay laacib Felipe Anderson uu qasaariyay laacibkii hore ee Gunners Lucas Pare zoo dheesha badal kusoo galay.

Ugu dambeyn daqiiqadii dheeriga ee lagu daray cayaarta Arsenal ayaa la timid goolka seddaxaad waxaana u dhaliyay Danny Welbeck oo badal kusoo galay kulanka.

Guuldarrada soo gaartay West Ham ayay ka dhigan tahay inay badin dhamaan seddax dheel ee ilaa haatan horyaalka la cayaaray halka Unia Emery uu gacanta ku dhigay guushiisii ugu horreeysay horyaalka Premier League.

This slideshow requires JavaScript.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here