Liverpool oo Qabatay Hogaanka Premier League Markii ay Guul ka gaareen Kooxda Brighton & Hove Albion+SAWIRRO

0
565

( Premier League ) 25 Agoosto 2018.(RBB NEWS) –  Gool uu dhaliyay Mohamed Salah ayaa kaga filnaaday Liverpool inay 1-0 ku garaacaan naadiga Brighton cayaar labada koox ku dhexmartay garoonka Anfield.

Qeybta hore cayaarta ayaa lagu kala maray 1-0 oo ay ku hogaamineysay naadiga Liverpool.

Ka hor goolka inta uusan dhalan Reds ayaa heshay laba fursadood oo u dhalan weysay mida hore waxaa banaanka goolka marsiiyay Sedo mane markii uu baas fiican ka helay Mo Salah.

Halka fursada xigtaa ay aheyd kubbad Free kick ama laadka xorta ah uu birta ku garaacay daafaca da’yarkaa ee Alexander-Arnold.

Balse waxaa ugu dambeyn goolka u dhaliyay laacibka Mohamed Salah oo caawin fiican ka helay Firmino daqiiqadii 23-aad wiilka faraaciinta ayaana si qurux badan ugu dhameystiray kubbadaas goolka.

Cayaarta oo socota daqiiqadihii ugu dambeeyay ee qeybta kowaad Sedo mane ayaa markale sigay goolka Brighton markii uu madax liita ku tuuray goolka kooxda martida.

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha labaad dheesha ayaa aheyd mid hal dhinac un ka socotay oo waxaa mar kasta weerar lagu ahaa goolka Brighton.

Inta badan aad ayay u yaareen fursadaha labada dinac ee qeybta dambe inkastoo ay dhinac walbaa ku wanaagsaneed kubbad heysiga naadiga Liverpool.

Goolhayaha Alisson ayaa ka badbaadiyay fursad halis aheyd kooxda Brighton markii uu dibadda goolka uga saaray madax xoogan oo uuu soo tuuray mid kamida cayaariyahanada Martida.

Guusha ay Liverpool gaartay ayaa ka dhigan in kooxda Jurgen Klopp ay qabaneyso hogaanka horyaalka kaddib barbarihii ay gashay naadiga Manchester City.

This slideshow requires JavaScript.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here