Wadajir iyo Xamar Wayne oo Dhicaha Qaybsaday

0
271

Axad, September, 02, 2018 (RBB NEWS) – Iyadoo si xiiso leh ay garoomada kubadda cagta uga socdo tartanka kubadda cagta degmooyinka waxaa maanta  wada ciyaaray  Degmooyinka Xamar Wayne iyo Wadajir  oo kuwada Jira Group  D.

Labada  degmo ayaa soo bandhigay  ciyaar xirfadeedu saraysay  waxaana waqtigii loogu talo galay ay kusoo idlaatay 1-1

Xamar wayne oo goolka la hormartay waxaa  daqiiqadi 30 u saxiixay laacibka  No-11   Cabdiraxmaan  Maxamed Sahal,  halka goolka wadajir uu daqiiqadi 42  u saxiixay  Xiddiga no-5  Cabdiqani maxamed yuusuf.

Group D waxaa min  4 dhibcood ku horkacaya   wadajir iyo  Xamar Wayne,   Heliwaa ayaa  3 dhibcood fadhida halka  Cabdicasiis ay  ugu hooseyso ay  Eber    joogto.

Wadajir   iyo Heliwaa   ayaa kulanka u dambeeya Group-ka   Khamiista  6 September  ku yeelan  doona garoonka jaamacadaha ,waxaa isla khamiista garoonka Banaadir ku ballansan Xamar wayne iyo Cabdi Casiis.

Berri oo Isniin ah waxaan  la ciyaari doona laba kulan  waxaana ballansan  degmooyinka  Yaaqshiid iyo Waaberi oo garoonka Jaamacadaha ku ciyaari doona iyo  Shangaani iyo dharkenley oo Garoonka Banaadir  foodda isku dari doona

Kooxahan oo kujira Group A , waxay dhibcaha  u kala leeyihiin Waaberi  3 Kulan 7 dhibcood, Yaaqshiid 3 kulan 4 dhibcood, Dharkenley  2 kulan  3 dhibcood iyo Kaxda oo 2 kulan  Eber taagan.

This slideshow requires JavaScript.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here