Madaxweyne Gaas oo Daah-furey Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare Iyo Dhexe ee Puntland

0
164

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta daahfuray imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada Sare iyo dhexe ee sanad dugsiyeedka 2017/2018 ee Puntland.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa dugsiga sare ee Gambool ee magaalada Garoowe ee caasidamada Dowladda Puntland uu ka furay imtixaanaadka shahaadiga ee sanad dugsiyeedka 2017-2018, iyada oo ay  ku wehelinaayeen Wasiirkiisa Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare  Abshir Aw Yuusuf Ciise iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland.

Ka hor intaan Madaxweynaha daah furin imtixaanka shahaadiga ee sanad dugsiyeedkan ayaa waxaa uu Wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta Sare Abshir Aw Yuusuf Ciise ka warbixyey imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland oo maanta uu madaxweynuhu ka daah furey magaalada Garoowe,  iyadoona wasiirku uu sheegey in ay imtixaanka maanta ufariisanayaan 15.000 (shan iyo toban kun) oo arday oo ah boqol (100) xarumood oo ku kala yaala dhammaan goblada Puntland.

 Waan ku faraxsanahay inaan idiin imaado oo aan ajiibo martiqaadka aad iigu yeerteen in aan furo imtixaanka sanad dugsiyeedka sandkaan, waa wax wanaagsan in maanta intaas oo goobood ay ka dhacayso imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasalka sideedaad iyo fasalka afraad ee dugsiga sare, waxay muujinaysaa dedaalka  ay wasaaradda iyo Dowladduba samaysay,  in waxbarashadu ay gaarto Gobol walba, Degmo iyo tuulo walba ee istaahisha in iskuul laga suubiyo waa guul usoo hoyatey Puntland iyo SoomaaliyabaAyuu yiri Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbeyn Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu furey imtixaanka shahaadiga ah ee sanad Dugsi yeedka 2017/2018, isla’marahaantaana waxaa uu madaxweynuhu gacantiisa ugu qaybiya ardayda maadadii maanta ay imtixaankeeda geleyeen oo ahayd maadada Tarbiyada Islaamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here