Ambassador Micheal Keating oo maanta ku wajahan magaalada Garowe ee Puntland.

0
21

Wakiilka Q.M. u jooga Soomaaliya Ambassador Micheal Keating  ayaa maanta ku wajahan Magaalada Garowe ee xarunta gobalka Nugaal, sidoo kale ah Xarunta Maamul Gobaleedka Puntland ee Soomaaliya.

Ambassador Keating ayaa la filayaa in Madaxweyne Gaas kala hadli xaalada ka taagan tuulada Tukaraq halkaas oo ay isku horfadhiyaan ciidamo ka tirsan labadda dhinac ee Puntland iyo Soomaaliland.

Sidoo kale Warar kale ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas uu kala soo hadli doono xiisad siyaasadeed oo maalmihii la soo dhaafay u dhaxeysay Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Maamulada Jubbaland iyo Puntland taas oo ka dhalatay hadalo ay dhawaan jeediyeen Axmed madoobe iyo Gaas.

Khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka carabta ayaa saameeyay xiriirka Dowladda dhexe iyo kuwa Maamul Gobaleedyada, sidoo kale xiisadda u dhaxeysa Puntland iyo Soomaaliland ee Tukeraq ayaa wali ka taagan deegaanka waxayna Puntland Qaramada midoobay ka dalbatay in arintaasi soo farageliso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here