Boondheere iyo Howl-Wadaag oo Ismari waayay

0
366

Muqdisho (RBB NEWS) – Degmooyinka Howl-wadaag iyo Boondheere ayaa barbaro 1-1  ku kala tagay kulan ciyaareed ka dhacay garoonka Jaamacadaha ee magaalada Muqdisho.

Labada koox oo kuwada jira Group C ayaa garoonka soo galay iyadoo   koox walba ay beegsanayso  hogaanka Group-ka kadib markii ay barbaro   kulamadii hore lasoo galeen degmooyinka Kaaraan iyo Deyniile,waxaana ciyaar weerar   ku dheehan  gacanta sare bilowga hore ee ciyarta  la soo baxday degmada Howl-wadaag oo  hogaanka ciyaarta la wareegtay   isla qaybtii hore kadib gool aad u qurux badnaa oo uu u saxiixay  laacibka No-6   Yaasiin Maxamuud Sulaymaan.

Boondheere  oo qaybta hore jahwareer ku dhamaystay  kadib markii  6 ciyaartoyd ay diideen in ay ciyaaraan  markii  ay  dood ka keeneen in Kabtanka kooxda Keydka  la geliyo kaasoo macallinka kooxda    dhaawac awgii  safka hore uga reebay  isla markaana ay go’aansadeen in ay garoonka isaga dareeraan ayaa qaybta labaad   lasoo baxday  ciyaar wanaagsan.

Boondheere ayaa ka faa’iidaysatay fursado weerar celis ahaa  waxaana mid kamid ah gool u badalay laacibka No-18 Maxamuud Xuseen Guuleed.

Howl-wadaag ayaa dhankeeda   daqiiqadihi u dambeeyay ee ciyaarta heshay   fyrsado ay goolal ku dhalin kareen kuwaa oo aan miro dhal noqon.

Group C oo ay kuwada jiraan  Boondheere, Deyniile, Howl-wadaag iyo Kaaraan ayaa Group-ka kaliya ee aysan koox  guul gaariin waxayna koox waliba sidataa 2 dhibcood kadib 2 kulan.

Maanta waxaa jiri doona kaliya hal kulan kaasoo dhex mari doona  Xamar Wayne iyo wadajir waxuna ka dhici doonaa garoonka Banaadir, waxaana la baajiyay kulanki dhex mari lahaa  degmooyinka Waaberi iyo Yaaqshiid oo dib laga ciyaari doono.

This slideshow requires JavaScript.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here