Farmaajo oo Maalmo kadib Dul Tagay Masjidka & Dugsiga ay Shabaab Qarxisay

0
255

Muqdisho (RBB NEWS) – Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqday Xarunta Degmada Howl-wadaag, gaar ahaan Masjidkii ku burburay Ismiidaamintii lagu qaaday Xarunta Degmada.

Madaxweynaha oo galabta dalka dib ugu soo laabtay Safarkii Beijing ee Madasha Shiinaha iyo Afrika iyo kulankii saddex geesoodka ahaa ee Asmara, ayaa markiiba gaaray goobta la Qarxiyay.

Madaxweynuhu waxa uu halkaa kula kulmay qaar kamid ahaa ehelada carruurtooda ku waayay Qaraxa iyo qoysas ku waxyeelooway Qaraxa ,isaga oo sheegay inuu xanuunka la qeybsanayo ehelada dadkii ku dhintay qaraxaasi.

Madaxweynuhu waxa uu booqday sidoo kale dugsigii ku bur buray weerarkii lagu qaaday isla Xarunta Degmada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dadka goobta ku sugnaa kula dardaarmay inaan laga niyad jabin la dagaalanka dhaqanka Al-Shabaab.

Farmaajo waxa uu sidoo kale sheegay in la dhisi doono Masjidka iyo Dugsiga Qur’aan ee ku burburay Qaraxa.

This slideshow requires JavaScript.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here