AMISOM oo tababar ku aaddan xirfadaha xiriirka siineysa saraakil ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya

0
145

Muqdisho, 8 May 2018 – Tababar socon doono muddo toddobaad ah oo sare loogu qaadayo xirfadaha isgaarsiinta ee saraakiisha Booliska Soomaaliyeed ayaa shalay ka furmay caasimadda Muqdisho.
Tababarka oo ay soo qabanqaabisay qaybta booliska ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayaa waxaa ka qayb galay saraakiil ka kala yimid Muqdisho iyo shanta maamul goboleed ee xubin ka ah dowladda Federaalka ah.
Tababarka waxaa sidoo kale looga gol leeyaay in lagu xoojiyo xiriirka u dhexeeya saraakisha amniga iyo shacabka iyo in uu ka caawiyo booliska Soomaaliyeed in ay dhisaan waaxyo isgaarsiineed oo ciidanka gudihiisa ah, dhammaan dowladaha xubinta ka ah Federaalka.
Isagoo ka hadlaya furitaanka tababarka, Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Simon Mulongo, ayaa ku tilmaamay tabarka mid ku soo aadan xilli loo baahnaa, isagoo intaa raaciyay in xirfadaha laga baran doono ay gacan ka geysan doonaan in ay kor u qaadaan wada shaqaynta dhinaca arrimaha amniga ee ka dhexeysa saraakiisha iyo shacabka.
“Waxaa qayb ka ah shaqadaada booliisnimo ee dalka, in aad leedahay xirfado, aqoon iyo awood si ay dadka u ogaadaan waxa ciidanka booliska Soomaaliya ay u taagan yihiin tanina waxaad ku samayn kartaa in aad la hadasho,” ayuu yiri Ku-Xigeenka Wakiilka.
Mudane Mulongo ayaa sheegay in tababarka uu qayb ka ahaa qorshaha xil wareejinta, kaas oo u baahan in ay AMISOM diyaariso hay’adaha amniga qaranka si ay la wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka markii uu waajibaadka AMISOM dhammaado.
“Waxaa ka mid ah mas’uuliyadaha waaweyn marka la eego qorshaynta xil wareejinta iyo hirgelinta waa in loo tayeeyo ciidamada maxalliga sida tan, si markii aanu baxno, aad awood u leedihiin in aad isku filnaataan aadna si hufan xiriir u sameyn kartaan, ma aha in aad la xiriiri kartaan dadka Soomaalida ah keliya laakiin adduunka oo idil,” Mudane Mulongo ayaa sheegay.
Ayada oo ka hadlaysa isla xafladda tababarka, Ku-Simaha Taliyaha Ciidanka Booliska AMISOM, Chiristine Alalo, ayaa xustay in tababarka, oo ah midkii ugu horreeyay oo noociisa ah, uu qayb ka yahay tababarro takhasus ah oo taxane ah oo Booliska AMISOM ay u qabanayeen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
“Tababarkani waa mid muhiim ah sababtoo ah waxaa aan gogol-xaadh u sameyneynaa xil-wareejinta, si aan xil-wareejinta u gogol-xaadhnana, waxaan u baahannahay Soomaaliya ka soo warbixin karaa wixii deegaanka ka dhacaya,” ayay sidoo kale xustay Marwo Alalo.
Inta uu socdo tababarka, ka qayb-galayaasha waxaa la bari doonaa mowduucyo kala duwan oo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka booliska iyo warbaahinta; baraha bulshada oo loo isticmaalo agab lagu faafiyo macluumaadka; xiriirka dadweynaha iyo wacyiga warbaahinta iyo hab ay u shaqeeyaan.
Waxyaabaha kale ay baran doonaan waxaa ka mid ah sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhaxeeya booliska iyo bulshada; diyaarinta farriimaha muhiimka ah iyo faafinta macluumaadka, iyo dowrka uu xiriirka dadweynaha ku leeyahay xallinta khilaafaadka.

Dhankiisa, Mudane Xasan Calasow Maxamed oo ah Agaasimaha Tababarka iyo Qorshaynta Ciidanka Booliska Soomaaliya, ayaa ku ammaanay AMISOM qaban-qaabinta tababarka, isaga oo ka qayb-galayaasha ku boorriyay in tababarka ay xoogga saaraan, ayna aqoonta ay kororsadeen la wadaagaan asxaabtooda.
“Waxaan rajeynayaa in markii aad dib u laabtaan aad aqoonta iyo xirfadaha aad ka kororsateen tababarkani aad la wadaagi doontaan asxaabta aad wada shaqeysaan si ay idin ka faa’iidaan dadkii iyo maamul goboleedyada aad ka timaadeen,” ayuu yiri Mudane Xasan Calasow Maxamed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here