Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka Jeedinaya Maanta Furintaanka Kalfadhigga Afaraad ee Golaha Shacabka

0
230

Isniin September, 10, 2018 (RBB NEWS) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta oo Isniin ah si rasmi ah u furaya kalfadhiga Afaraad ee Baarlamaanka Golaha Shacabka.

Sida uu qabo Dastuurka Soomaaliya madaxweynaha ayaa furaya Kalfadhi kasta oo ay yeelanayaan Golayaasha Baarlamaanka dalka.

Kulankan waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, dhammaan xubnaha Baarlamaanka iyo xubno ka socda Beesha Caalamka, sidoo kale kulanka waxaa la filayaa in uu ka qeyb galo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ah xildhibaan sharafeed, kaddib markii bishii hore dhammaadkeeda uu dib ugu soo laabtay dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu halkaasi ka jeediyo khudbad ballaaran oo uu kaga hadlayo xaaladda Soomaaliya iyo mudada ay jirto dowladda uu Madaxweynaha ka yahay waxyaabaha u qabsoomay.

Baarlamaanka Golaha Shacabka oo fasax galay 10-kii bishii July ayaa kalfadhiggoodan Afaraad waxaa hor yaaala ajandayaal iyo sharciyo kala duwan oo muhiim u ah dalka, kuwaasi oo u baahan in la meel mariyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here