10-kii cayaaryahan ee Barcelona saxiixyadooda loo ganaaxay sanadii 2014 halkee ku dambeeyaan

0
442

September, 17, 2018 (RBB SPORT) – Xagaagii 2014 Barcelona ganaax dhanka suuqa Yurub ah ayaa la dul dhigay kadib markii ku cadaatay inay si sharci daro ah oo nidaamka FIFA aan waafaqsaneyn kusoo qaadatay cayaartooyda da’dooda 18-sano ka hooseyso dalal kala duwana ay kasoo qaateen.

Barcelona labo xili oo kala duwan ayay FIFA ka ganaaxday suuqa inay saxiixyo ka sameyn karto si loogu ciqaabo qaabkii sharciga aan waafaqsaneyn caruur badan dunida dacaladeeda kaga soo qaateen.

Haddaba halkee ku dambeeyeen 10-cayaaryahan oo 18-sano da’dooda ka hooseesay Barcelona lasoo saxiixatay intii u dhaxeesay 2009 ilaa 2013 sababna u ahaayeen ganaaxii kooxdan la dul dhigay qaabkii qaldanaa oo ay caruurtan kusoo qaadatay:

LEE SEUNG-WOO (Koonfur Kuuriya): Barcelona waxay ka iibisay wiilkan naadiga Hellas Verona ayadoo ka siisay €1.5m dibna wey usoo ceshan kartaa ilaa 2019 haatana waa 20-jir.

PAIK SEUNG-HO: wiilkan yar wuxuu soo idleeyay 7-sano oo Barcelona ka tirsanaa wuxuuna ku biiray naadiga Girona 2017 haatana waa 20-jir.

ANDRE ONANA: goolhayahan 22-jirka ah wuxuu ku biiray Ajax 2015 haatana waa goolhayaha kowaad ee kooxda Ajax asigoo 33-kulan cayaaray horyaalka Holland xili cayaareedkii hore.

MAXI ROLON: wiilkan Argentina u dhashay sanadii 2016 ayuu Barcelona isaga tagay kooxo kala duwan ayuu ku biiray balse midna lama qabsanin haatana waa koox la’aan 23-jirkan!

IAN CARLO POVEDA: wiilkan Ingiriiska ayuu soo aaday dhowr sano ka hor naadiga Brentford ayu ku biiray kadib hormar ayuu sameeyay waxaana 2016 iibsatay Man City haatana xarunta dhalinta City ayuu ka tirsan yahay.

PATRICE SOUSIA: naadiga CF Damm ayaa amaah lagu siiyay balse hormar wuu sameyn waayay waxaana dhacday xagaagan Barcelona inay iska fasaxdo haatana waa koox la’aan.

BOBBY ADEKANYE marka hore kooxda PSV ayaa wiilkan Holland u dhashay amaah lagu siiyay kadibna Liverpool ayaa gacanta ku dhigtay sanadii 2015 oo uu haatan yar yarkeeda ka tirsan yahay.

THEO CHENDRI wiilkan Faransiiska ah Barca wuu la qabsan waayay wuxuuna ku laabtay dalkiisa asigoo 2016 ku biiray naadiga Nantes.

JANG GYOL-HEE: wiilkan yar isaga xagaagii hore ayuu Barcelona isaga tagay naadiga Asteras Tripoli ee dalka Greece ka dhisan xagaagan ayay iska fasaxday wuxuuna ku laabtay dalkiisa Koonfur Kuuriya 20-jirkan.

TAKEFUSA KUBO asigoo 17-sano jirsaday ayuu Barcelona ka tagay wuxuuna ku laabtay gudaha Japan asigoo naadiga FC Tokyo ku biiray waxayna amaah ku siisay wiilkan weerarka ka cayaaro naadiga Yokohama F. Marinos.

F.G: Dhamaan 10-ka cayaaryahan ee Barcelona ayagoo yar soo iibsatay laguna ganaaxay qaabkii qaladaadka ku jiray oo ay kusoo qaadatay midna ma aysan ku faa’iidin oo wey iska kala fasaxday madaama laga waayay mid tayo wanaagsan oo kooxda kowaad Camp Nou ku cayaarto boos joogto ah ka helo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here